Hoggaamiyaha Buntilaan iyo Wakiiladda Beesha Caalamka oo ka wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka

0
Sunday November 29, 2020 - 19:10:17 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Buntilaan iyo Wakiiladda Beesha Caalamka oo ka wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka

    Hoggaamiyaha Buntilaan Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kula kulmay Wafdi ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Wakiilada Qaramada Midoobey ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Buntilaan Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kula kulmay Wafdi ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Wakiilada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga. Siciid Deni ayaa Wakiillada Beesha Caalamka kala hadlay xaaladda uu dalka marayo iyo sidii ay dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay. "Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Buntilaan waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro , sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata" ayuu yiri Hoggaamiye Deni. Hoggaamiye Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu rajeynayo in ay salka ka dhacdo doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya Doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin. "Aad baan uga mahadcelinaya in ay wafdigan noo yimaadaan waxaan rajeynayaa qodobbadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaadaan qodobbo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horusocodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana u rajeynaya mujtamaca Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen inay uga ambabixi doonaan marxalad deganaasho iyo nabadgelyo ay ku dheehantahay" Ayuu yiri Hoggaamiye Siciid Cabdullaahi Deni. Ku-xigeenka Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga ayaa dhankiisa ugu baaqay Madaxda Soomaalida inay wadaan dadaalkooda ku aaddan sidii ay u dhici laheyd doorasho la isku raacsan yahay. "Waxaan ku boorrineynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ku sii dhegganaadaan go'aankooda la xiriira iskaashiga iyaga ka dhexeeya xilli diyaar-garowga doorashadu uu horumar sameeyey" ayuu yiri Raisedon Zenenga. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip