HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYN NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA NOVEMBAR 2020KA

0
Sunday November 29, 2020 - 10:00:59 in Wararka by
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYN NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA NOVEMBAR 2020KA

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

 

ROOBLE OO AMAR DEG DEG AH BIXIYEY KADIB QARAXII GELATO DIVINO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalayta kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga eenka howlgala magaalada Muqdisho, kadib qaraxii Habeen hore ka dhacay maq aa yadda Gelato Divino, oo lagu dilay sideed dhalli nyaro.

Rooble ayaa saraaki isha ammaanka ka dha geystay warbixin la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan falkii Habeen hore lagu beegsaday dhali nyaro Soomaaliyeed oo aan waxba Shalaysan, wuxuuna siiyey amaro la xiriira amniga.

Intaas kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adk eeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tah ay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, isagoo ku amray inay xoojiyaan howlaha sugidda amm aanka caasimadda.

"Waxaa laga sugayaa hey’adaha amniga in ay sii dardar geliyaan dadaallada lagaga hortag ayo falalkan xasuuqa ah ee cadowgu ay soo maleegayaan. Argagixisadu waa sii tabar darr eynaysaa maalinba maalinta ka danbeysa, ka dib markii ciidamadeenna geesiyaasha ah ay si mugleh uga shaqeeyeen amniga xilli aan furnay jidadkii magaalada,” ayuu yiri Rooble.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul was aaraha ayaa lagu yiri, "Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka dhegaystay wasiirka amniga iyo taliska ciidanka xoogga dalka warbixinno la xiriira am niga iyo howgallada lagu xoojinayo, isagoo fa ray in la sii dardargeliyo si aysan cadowgu uga faa’iideysan.”

Mas’uuliyiinta ayaa la wadaagay ra’iisul was aaraha gurmadka caafimaad ee loo fidideyey dhaawacyadii qaraxii Habeen hore.

"Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay falk an wuxuushnimada ah ee ay geysteen argagix isadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku shahiiday, ehelkoodana uga tacsiyeeyey” ay aa lagu yiri qoraalka.

Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa Habeen hore beegsaday dhalinyaro ku sugneed maqaayad ku taalla meel aan ka fogeyn isgo yska KM4 ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku geeriyootay todoba qof oo dhama antood ahaa dhalinyaro aqoonyahano ah, halka ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND "DOORASHO KUMA DHACEYSO SIDA AY SHALAY TAHAY”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxa med Islaam Madoobe ayaa ku eedeeyay dowl adda Soomaaliya in ay dhammaan ka baxday heshiisyadda lagu gaaray Muqdisho ee ku aadaneyd doorashooyinka dadban ee dalka.

Waxaa uu tilmaamay in dowl adda Soomaaliya ay ciidamo iyo jamhad ay ka sameysay gobolka Gedo oo ka mid ah maamulka Jubbaland, islamarkaana uusan guddi soo magacaabi Karin, maadaama dowlad da dhexe ay ka baxday heshiiskii ahaa in gacan ta Jubbaland lagu soo celiyo.Madaxweynaha waxaa uu walaac xooggan leh ka muujiyay doo rashada Somaaliya oo uu sheegay in dalka uu khalalase qarka u saaran yahay haddii aan wax laga qabana ay xaalado sii xumaan doonto.

"Doorasho Kuma dhaceyso sida ay Shalay ta hay Iyo Nuuca afduub ee Xaalku Yahay ” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa uu sidoo kale soo dhaweeyay go’aanma dii kasoo baxay golaha Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

AAS WADAREED LOO SAMEEYEY DADKII KU GEERIYOODAY QARAXII MUQDISHO

Waxaa Shalay Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho Aas wadareed loogu sameeyay 8 dhalinyaro ah oo Habeen hore ku geeriyooday Qarax xoogan oo Habeen hore ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ah aan meel u dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaraxa oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa waxaa fuliyay qof da’ ah oo watay khamiis is kuna soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, islamarkaana uu gudaha u galay Maqaayad Gelato Divino oo ah go ob lagu iibiyo Macmacaan oo ay daka fadhiistaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay aa ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa inta badan maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir, wax aana waxyeelada inta badan ay soo gaartay dad u badan dhalinyaro oo ku Caweynayay Maq aaxida Gelato Divino.

8 dhalinyrao ah oo siwey loo yaqaanay ayaa ku nafwaayay qaraxas, halka dad ku dhow 8 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo ga areen, kuwaasi oo la geeyay xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda dalka, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Boqolaal qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tir san dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qe ybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb ga lay Aaska loo sameeyay dhalinyaradii Habeen hore ku geeriyooday qaraxaas, iyagoona tacis loo diray.

Alshabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qa raxii Habeen hore ka dhacay Magaalada Muqdi sho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsad een Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

NABADOON CAAN AH OO LAGU DILAY GAALKACYO

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Ga alkacyo ayaa sheegaya in magaaladaasi Shalay lagu diley Mid kamid ah nabadoonada caanka ah ee kunoolaa Waqooyiga Galkacyo oo ay Puntland ka arrimiso.

Koox baastoolado ku hubaysan ayaa la she egay inay nabadoon Nadiir Sheekh Maxamed dileen xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Gaalka cyo, isla markaana qeybaha sare ee jirka looga dhuftay rasaas dhowr ah oo markii dambe u geeriyooday.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa aagga wax ka dheceen ayaa sheegay in raggii dilka ge ystey ay ku baxsadeen luuq ka agdhowaa halkii ay dilka ka fuliyeen, waxaana diiqiiqdo kadib teg ay goobta Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maa mulka Puntland oo Meydka qaaday.Ciidamada ayaa xaafadaha ku teedsan halka uu dilku ka dhacay ka sameeyay howlgal lagu baadi gooba yay ragii hubeysnaa, in kastoo aysan faahfaahin ka bixin dilkaasi iyo haddii ay jiraan dad loo soo qaqabtay mudadii howlgalladu socdeen.

CABDI GUULEED MAXAMED ‘’ DOORASHADA DAL KA WAA IN AY KU DHACDAA SI DAAHFURAN ‘’ WAREYSI DHINCYO BADAN TAABANAYA

Wasiir hore , ahaana Wasiirka Gadiidka Cir ka iyo dhulka isla markaana ahaa ku simaha iyo sii haya Ra’iisulwasaaraha Dowladdii KMG ee Carte Mudane Cabdi Guuleed Maxamed ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashada dalka ay ku dhacdo si daa hfuran.Md.Cabdi Guuleed waxa uu sidoo kale ku soo hadal qaa day wareysi uu siiyay Goobjoog News dadaal dheer loo soo mar ay in la soo gaaro , halka Shalay la joogo.

Intaas waxa uu hadalkiisa ku daray in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in la yi maadaan dulqaad si loo gaaro horumar Mar uu ka hadlayay xaalada Gobolka Gedo waxa uu sheegay in aan loo baahnayn in la dulmiyo sha cabka Gobolkaas ama la galiyo loolan siyaa sadeed.

Dhallinyarada Gobolka Gedo ayuu sheegay Mudane Cabdi Guuleed Maxamed in ay yihiin xoog dadaal badan u galay in aan lagu xadgud bin xuduudaha dalka oo hadda ka hor ay jab iyeen oo ay burburiyeen isku day Kenya ay ku doonayso in derbi ay ku dhisto xuduuda , iyada ku soo xadgudbaysa xadka dalka.

Xigasho:goobjoognews.com

XOG: KHILAAF XOOGGAN OO KA DHEX ALOOS AN AXMED KARAASH IYO ISMAACIIL MAXAM ED WARSAME

Khilaaf xooggan oo la xiriira xulista xildhib aannada heer Federaal ee laga soo doorto Gob olka Sool, ayaa ka dhex aloosan Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi cisman Kar aash iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Dad xogogaal ah oo diiday in magacyad ooda la xigto, waxay Puntland Post u xaqiijiyeen in khilaafka labada mas’uul oo ku salaysan da no siyaas adeed, uu xaalad ja ahwareer ah ku keenay xul ista xildhibaannada heer Fed eraal ee laga soo doorto Sool iyo Cayn.

Labada mas’uul, oo mid kasta doonayo in uu saamayn siyaasadeed ku yeesho xulista xildhi baannada heer Federaal, ayaa ku muransan ha nnaanka Awoodqaybsiga Beelaha deggan Sool iyo Cayn, waxaana midba kan kale ku eeday nayaa in uu sedbursi raadinayo.

Sidoo kale, waxa khilaafkoodu saameeyay xildhibaannada Puntland ee laga soo doorto Sool iyo Cayn, kuwaas oo u kala jabay laba Ga rab, oo la kala safan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baa rlamanka.

Waxa xusid mudan, in xiriirka Karaash iyo Ismaaciil uusan hagaagsanayn, tan iyo bishii Maarso ee sannadkan 2020, xilligaas oo ay ku murmeen magacaabidda Taliye ku xigeenka Madaxtooyada Puntland G/sare Cabdirisaaq Axmed Cali.

TURKIGA OO SI KULUL U CAMBAAREEYAY QARAXII MUQDISHO EE LAGU LAAYAY DHALINYARADA

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cam baareysay qaraxii Habeen hore ka dhacay maq aayad ku taal wadada aada garoonka diya ar adaha Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen 8 qof oo dhalinyaro ahaa, halka 10 kalena ku dhaawacmeen.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin geerida 8 qof oo ku naf waayay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Ha been hore Muqdosho.

"Waxaan si adag u cambaareyneynaa weera radan argagixiso waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee wala alaha. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direy naa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha wax aanan u rajeynaynaa caafimaad degdeg ah ku wa dhaawacmay”ayaa lagu yiri War saxaafa deedka ka soo baxay dowladda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambia reysay qaraxaas oo ay mas’uuliyadiisa sheeg atay Kooxda AlShabaab.

MIDOWGA YURUB CANBAAREEYAY XUKUNNO QISA AS AH OO UU FULIIYAY MAAMULKA SOOMAA LILAAND

Midowga Yurub ayaa canbaareeyay xukun qisaas ah oo uu dhowaan maamulka Soomaa lilaan ku fuliyay lix ruux oo ay Maxkamadaha So omaalilaand ku xukumeen dil toga sho ah.

Midowga Yurub ayaa sheegey in ay aad uga xumaadeen lix qof oo dhawaan la gu qisaasay So omaalilaand ayna kasoo horjeedaan in ciq aabta noocaasi la fuliyo.

"Midowga Yurub wuxuu leeyahay mowqif mabda’ ah oo ka dhan ah ciqaabta dilka ah wax ayna ka soo horjeedaan adeegsiga ciqaabta di lka xaalad kasta ha noqotee” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Midowga Yurub.

Dhowr jeer oo hore ayuu Midowga Yurub sid an oo kale u canbaareeyay xukunno dil ah oo la gu fuliyay dad ay Maxkamaduhu ku xukumeen in loo qisaaso danbiyo ay galeen oo ay ciqaabt eedii noqotay dil toogasho.

Mabaad’ida iyo xeerarka dowladaha Midow ga Yurub ayaa mamnucaya in qofka lagu xuk umo laguna ciqaabo dil toogasho.

Haddaba qoraalka hoose ka akhriso dadka ay Soomaalilaand ku fulisay xukunka dilka ah.

1Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle )

2 Cabdillaahi Ismaaciil Xayd (Burco)

3 Axmed Ibraahin Faarax (Burco)

4Khadar Aleel Xirsi (Gabiley)

5 Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa)

6 Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa)

BANAANBAX XOOG LEH OO SHALAY KA DHACAY BELEDWEYNE

Bannaanbax ka dhan ah maamulka cusub ee HirShabeelle ayaa Shalay ka dhacay ma gaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hii raan, kadib markii ciidamada dowladda Sooma aliya ay Shalayy dagaal ku qaadeen Jabhad cusub oo laga aasaasay dul eedka magaalada.

Ciidamada dowladda federal ka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiraan ayaa Shalay weer aray fariisimihii ay ku sugnaayeen ciidamo u ab aabulan qaab Jabhad oo uu hoggaamiyo sa rkaal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame Xuud.

Ciidamada Jeneraal Xuud ayaa laga saaray goobihii ay ku sugnaayeen, waxaana la she egay inay u ruuqaansadeen dhul buuraley ah, welina lama soo werin wax khasaare ah ah oo ka dhashay dagaalkaas oo dhacay waaberigii hore ee Shalayy.

Dadka magaalada oo ka soo hor jeeda wee rarka lagu qaaday sarkaalkaas iyo ciidamadiisa ayaa Shalay isugu soo baxay magaalada, iya goo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah mad axda maamulka cusub ee HirShabeelle iyo madaxweyne Farmaajo.

Dadkaas ayaa dalbanayey in aan la weerarin Jeneraal Xuud iyo ciidamadiisa, iyagoo ku tilm aamay nin soo dhicinaya xaq ka maqan dadka reer Hiiraan, waxayna dalbadeen in tabasha dooda wax laga qabto.

Dadkiibanaanbaxayey ayaa si cad u she egay in Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabag eed aysan imaan karin magaalada Beledweyne, ilaa inta laga xalinayo tabashadooda.

Safar uu Madaxweyne Cali Guudlaawe ku tagi lahaa magaalada Beledweyne ayaa fashilmay in ka badan laba goor, balse waxaa maalmo ka hor tegay ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

MILATERIGA ITOOBIYA OO SHEEGAY IN AY GACANTA KU DHIGEEN MEKELLE

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciid amadiisu "si buuxda gacanta ugu dhigeen” ma gaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle.

Sheegashadiisan ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin.

Dhanka kale, xoogagga Tigray ayaan iya guna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalk aa uu shaaciyey taliyuhu.

Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xooga gga fallaagada ah ee gobolka Tigray ayaa shee gay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaab een guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaal ada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.

Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Geb remichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle "duqayn culusi” ku socoto.

AWXMED WASHINTON OO KA BADBAADAY QARAX MIINO IYO ALSHABAAB OO SHEEGTAY

Maareeyaha Dekadda weyn ee M/ Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Waashitoon ayaa ka badbaaday Qarax Shalay lala ee gtay gaari Qooqoan oo uu watay, xili uu mararay Isbitaalka Laansaleyti ee Cabdicaiis ee G/Banaadir. Axmed Waashitoo oo wareysi siiyay Telefashin ka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay inuu Caafim aad qabo, isla markaana uu ka badbaaday qara xii lala eegtay, xili uu kusii jeeday goobtiisa sha qo ee Dekadda Muqdisho, uuna haatan ku sug an halkaas.

Waxaa uu sheegay Maar eeye Axmed in la ba ka mid ah Askartiisa Ilaalada uu dhaaw ac soo gaaray, maada ama ay saarnaayeen qeybta dam be ee gaarigiisa oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Qooq oanta, waxaana mid kamid Askar ta jabay. Iyadoo midka kalena firiir gaaray

Alshabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internetka ayaa waxaa ay ku sheeg te en Mas’uuliyada qaraxii uu ka badbaaday Ax med Waashitoon, iyagoona tilmaamay inuu si dirqi uga badbaaday qaraxa oo ay doonayeen inay ku khaarijiyaan.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay in qara xa ay ku dileen laba Askari oo kamid ah Ilaalada Maareeyaha Dekadda weyn ee M/Muqdisho Axmed Waashitoon, waa sida ay hadalka u dhig een Shabaabka.

Si kastaba Qaraxaas uu ka badbaaday Maar eeyaha Dekadda weyn ee M/Muqdisho ayaa ku soo aadayaa, iyadoo Habeen hore Qarax lagu le’day uu ka dhacay maqaayad ku taalla wada da aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Ee M/Muqdisho

CIIDANKA DOWLADDA OO WEERARAY MALEESHIYO UU ABAABULAY JENERAAL KA SOO HORJEEDA HIRSHABEELLE

Wararka ka imaanaya magaalada Beled weyne ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milat eriga iyo Boolis iyo ciidanka Nabadsugida ay we erar ku qaadeen maleeshiyo beeleed uu aba abulay Jeneraal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsale (Jen. Xuud) kaasoo si weyn uga soo horjeesday doorashadii Hoggaanka Maamulka Hirshabelle ee dhowaan ka dhacday Jowhar.

Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Bel edweyne, gaar ahaan dhanka Wadada Ceelgaal ayaa la sheegay in maleeshiyadii uu ka amar qaadatay Jen. Xuud ay dib uga gurteen goob fariisin u aheyd oo aad ugu dhoweyd garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada weerarka ku qaaday maleeshiyada Jeneraalka ay amar u qabaan in la soo xiro, isla markaana dadaalo maalmahan socday oo ay wadaan oda yaal uu diiday Jeneraal Xuud.

Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Maa mulka Hirsh abelle Yuusuf Dabageed ayaa ku sugan magaalada Beledweyne, isagoo muddo todobaad ah wada hadalo la lahaa saraakiisha deegaanka, odayaasha iyo maamulka, si loo xa liyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay doo rashadii ka dhacday Jowhar.

Dhinaca kale banaan bax looga soo horje edo weerarka ciidanka dowladda ku qaadeen Je neraal Xuud ayaa ka dhacay magaalada Bel edweyne, dadweyne taageersan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, waxaana la sheegay in taayaro lagu gubay.


MADAXWEYNE FARMAAJO, RW ROOBLE IYO QOOR QOOR OO KULAN GAAR AH YEESHAY

Madaxweynaha dowladda Federaalka Ma xamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Was aaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ay aa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxto oyada.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka oo saacado badan qaatay looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021 iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb ga lay Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sir doonka Qaranka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daajir, waxaana kulankaas uu ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen oo u dhexeeyay Madaxda kulmay oo kaliya.

Kulankan ayaa ku soo aaday xilli xaalada siyaasadeed ee dalka ay marxalad xasaasi ah mareyso, isla markaana muran uu ka taagan ya hay Guddiyadda doorasho ee dhowaan la ma gacaabay, ayna siweyn uga soo horjeedan Mu sharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Lama oga in si gaar ah kulanka loogu falan qeyay Arrinta Guddiyada doorashada heer dowlad goboleed iyo kuwa heer Federaal, ma adaama Musharaxiinta Mucaaradka bayaan ay soo saareen kaga dalbaday dowladda inay kala dirto Guddiyada doorashada oo lagu daray As kar ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo sha qaalaha rayidka.xigsho;radiodalsan.com

MAXKAMADDA CIIDAMADA OO DIL TOOGASHO AH KU FULISAY MACALIN ILKACASE

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciida mada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil too gasho ah ku fulisay rag ka tirsan dagaal amayaasah Alshabaab oo horey Maxkamadda xukun dil ugu riday.

Saddex ruux oo uu ku jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase oo ahaa Caan ku ahaa dilal ka dhacay Muqdisho ayaa saakay Maxkamadda Ciidamada xukun dil toogasho ah ku fulisay, kaasi oo ka dha cay fagaaraha dugsiga Boo liska ee Generaal Kaahiye.

Xubnaha la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi ji ray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase, Saalim Saciid Maxamed oo loo yaqa anay Salmaan iyo Axmed Maxamed Haashim oo loo yaqaanay Ca rab, kuwaasi oo horey Ma xkamadda xukun ugu riday. Dhammaan rag aas ayaa Magaalada Muqdi sho ka geystay dilal qorsheysan iyo weeraro, iy agoona wareysiyo kala duwan oo laga qaaday ay ku qirteen inay ka dambeeyeen dilal iyo wee raro ka dhacay Caasimadda dalka ee Muqd isho. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 31kii Bishii December ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase iyo xubno kale, kuwaas oo maxkamadu sheegtay inay dilal qo rsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaanay Ma calin Ilkacase ayaa ahaa macalin Jaamacadeed iyo Iskuul, isagoona in muddo ah la shaqeyn ji ray dagaalamayaasha Alshabaab uuna fuliyay dilal badan.

DIL KA DHACAY DEGMADA JALALAQSI & DAD LOO QABTAY

Rag hubeysan ayaa waxaa ay xalay degm ada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ku dileen Gud doomiyihii Ururka Dhalinyarda & Ciyaara aha Degmada Jalalaqsi, iyaga oo goobta ka baxsa day. Maxamed Xuseen Dardar ayaa xilliga la dila yay waxaa uu ku sug naa bartamaha deg mada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana goobta tega y Cii damo ka tirsan dowladda , iya ga oo goo bta ka qaaday meydkisa.

Ciidamada Booliska degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sameeyeen howlagllo ay ku baadi goobayeen dadkii ka da m beeyay dilkaas, waxaana la sheeg ay in dad badan ay Ciidamadu dilka u qabteen.

Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa am niga degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan, waxa ana 16kii bishaan Magaalada Beledweyne la gu dilay Guddoomiye ku Xigeenkii Xaafada Bu undweyn oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Muxu med (Kuukay dheere).

RUUX WEERAR KA GEYSTAY XALAY M/MUQDISHO OO GACANTA LAGU DHIGAY

Weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro ah ayaa fiidnimadii Xalay lagu weerar Saldhiga Booliska degmada Xamarwe yne ee G/Baaandir, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Nin hubeysan ayaa Bam gacmeedka ku tuuray Saldhiga Booliska degmada, isla markaana ju gta Bamka ayaa waxaa laga maqlay xaafaddo dhow Saldhiga Booliska Xamar weyne, wax aana Ninka falkaas geystay uu isku dayay inuu si deg deg ah goobta uga baxsado.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska DFS oo xil igaas ku sugnaa mee ku dhow Saldhiga ayaa gacanta ku dhigay Ninkii Bamka tuuray oo mar ka hore isku dayay inuu si dhaqsi ah ku cararo.

Ninka ayaa waxaa durbo lagu xiray mid ka mid Saldhigyada ay leeyihiin Ciidanka Booliska DFS, isla markaana halkaas lagu weydiinayo su’aalo kala duwan.

Laamaha amniga dowladda gaar ahaan ku wa degmada Xamarweyne oo la hadlay Wa kaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay aa u sheegay in weerarkii Bam gacmeedka ah aa uusan geystan wax khasaaro ah.

Ciidanka DFS ayaa horey gacanta sidaan oo kale ugu dhigay rag hubeysan oo weerar ka geystay degmooyin ka tirsan G/Banaadir, ku waasi oo qaarkood isku dayay inay baxsadaan wallow markii dambe la qabtay

.Xigasho: radiodalsan.com

MAAMULKA G/BANAADIR OO SHEEGAY IN MUSHARIXIINTA U ADEEGAAN DOWLADO SHISHEEYE DIGNIINA U DIRAY

Maamulka G/Banaadir ayaa soo saaray qor aal oogu baaqayo Shacabka ku nool G/Bana adir inay ka Shaqeeyaan sugida Amniga Gobolka sidoo kalena eedeyn loogu jeediyay musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan ku shiray M/Muq di sho. Qoraalka Maa mul ka G/ Banaadir ayaa wax aa lagu she egay in, iyada oo la guda ga layo waqti doorasho inay garw aaq san yihiin inay muh iim ta hay sugida Am niga Caasimadda, waxaana Bu lshada loogu ba aqay inay ka qeyb qaataan sugi da Amniga M/Muqdisho.

Sidoo kale Maamulka G/Banaadir ayaa shee gay inay ka xun yihin qoraal dhawaan kasoo ba xay musharixiinta Madaxweynaha oo ahaa mid eedeyn kulul loogu jeediyay Madaxweyne Farm aajo & Guodomiyaha Gobolka Banaadir, waxa na ay sheegeen in eedeyntaas aan waxba ka jirin. " maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu aad uga xun yahay qoraalka algu faafiyay Bar aha Bulshada ayna soo saareen qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha oo lagu qoray eed iyo cambaareyn aan sal iyo raad laheyn oo loo jeediyay madaxda qaranka ee dalka iyo gu ddoomiyaha Gobolka Banaadir loona turjumay si qaldan, iyada oo muhsarixiinta ka leeyihiin qo raalkooda dano guracan oo u adeegaya shishe eye ayaa lagu yiri” Qraalka M/G/Banaadir.

Sidoo kale Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in xaqiijinta Amniga iyo xasilooni da Caasimadda dalka si dadka ku nool ay na bad ugu noolaadaan inay tahay waajib sharci ah uuna u xilsaaran yahay Guddoomiyaha G/ Bana adir, sidoo kalena ay ka digayaan habdhaqan kasta ( hadal & ficil) ee dhiiri gelinaya dib u dhac iyo casilooni darro taasoo keeni karta natiijo aan la mahdin, isla markaana ays an ogolaaneyn inay tasi dhacdo.

Qoraalkan kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ka sheegay munaasabad ka dhacay muqdisho in Musharixiinta Madaxweynaha hadii ay tallaabo qaadaan la weerari karo una carari doonaan meelihii laga soo diray, waxaana hadalkaas musharixiinta ay ku sheegeen inay tahay mid uu o soo dhiibay Madaxweyne Farmaajo si musharixiinta loo weeraro.



Xigasho:radiodalsan.com

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KULAN LA QAA TAY SAFIIRKA SWEDEN EE SOOMAALIYA

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Punt land Siciid Cabdullahi Deni ayaa Qasriga Mad axtooyada Magaalada Garoowe ku qaabilay Sa fiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo masuuliyiin ka tirsan Safa araddaasi.

Madaxweyne Deni iyo Danjire Mr. Staffan Tillander ayaa ka wadahadlay Mashaariicda ay dalka Sweden ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland , arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha dadaalkiisa iyo doorka ay Puntland ka qaadato markasta arrimaha Soomaaliya.

Booqashada uu Shalay Safiir Staffan Tillander ku tegay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ku wehlinaayay xubno kala duwan oo ka xafiisk Safiirka Sweden ee Soomaaliya.

MILATERIGA ITOOBIYA OO SHEEGAY IN AY GACANTA KU DHIGEEN MEKELLE

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu "si buuxda gacanta ugu dhigeen” magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle.

Sheegashadiisan ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin. Dhan ka kale, xoogagga Tigray ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey taliyuhu.

Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xooga gga fallaagada ah ee gobolka Tigray ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bila abeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsa daan magaalada Mekelle ee caasimadda go bolkaas.

Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reut ers ugu sheegay in Mekelle "duqayn culusi” ku socoto.

‘WAXAAN KA MID AHAA DADKII JOOGAY GELATO DIVINO, SIDAN AYEYNA WAX U DHACEEN’

‘Waxaan ka mid ahaa dadkii joogay Gelato Divino, sidan ayeyna wax u dhaceen’ Gelato Divino oo Xalay [Habeen hore] qarax ka dha cay ayaan ka mid ahaa dadkii halkaa fadhiyey oo ka badbaaday. Afar jeer oo ka horreeysay ayaa sidaan oo kale loo soo weeraray goob aan u Shaah doontay laakiin waa qoraalkii u gu horreeyey ee aan ka sameeyo.

Laba saaxiib oo ila socotay ayaan ku nimid Gelato Divino. Saacaddu waa siddeeddii fiidn imo. Waxaan iskuqabsannay aan gudaha gal no iyo aan bannaanka fariisanno. Ugu damb eyn gudaha ayaan u gudubnay. Gabar ayaa dalab naga qaadday.

Intii dalabku noo maqnaa ayaan u she egay saaxiibbaday in goobta aan joogno qa tar tahay meel loo baxsadana aysan jirin. Ha dalkeyga culeys uma aysan arkin laakiin an iga dhawr jeer oo aan isla Gelato Divino imi dba isla hadalkaan ayaan iri.

Qiyaastii mar aan fadhinno 20 daqiiqo ay aa xaaladda oo dhan isbeddeshay. Qarax aad u weyn ayaa na qabsaday. Dadka intii ba dbaadday waxaa ku dhacay argagax. Dumar iyo carruur oynaya, meyd Iyo dhawaac daad san iyo qaac madow ayey goobtii qurxooneyd isku beddeshay.

Dadka qaar waxay jabsadeen daaqad yar waana la isbuurtay si daaqaddaas yar looga baxo. Waxaan arkay inay adag tahay in la ba xsado waxaana go’aansaday inaan meydyaal iska dhigo oo burburka dul seexdo ugu dambeynna qof ka mid ah Shaqaalaha Gelato Divino ayaa noo sheegay inaysan qatar kale jirin.

Bannaanka ayaan u soo baxay waxaana ku arkay dhammaan kuraasta oo ama qof dha awac ah saaran yahay ama meyd ah. Wal aalo han weyn lahaa ayaa nolosha la dhaa fiyey iyadoo ciddii dishay aysan noo sheegi karin sabab ay ku beegsadeen shacab nabad ku wada shaahaya.

Ilaahey u naxariisto.

Bashiir Maxmud – Waxaa uu ka badbaa day qaraxii Habeen hore ka dhacay Gelato Divino. Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, inta noolna caafimaad deg deg ah oo taam ah ha siiyo.

BAARLAMAANKA CARABTA OO CAMBAAREEYAY WEERARKII KA DHACAY MUQDISHO

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta AlSayid Caadil Cabdirraxmaan Al Cusuumi ayaa cambaareeyay weerarkii AlShabaab ka gaysteen magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ay aa adkeeyay in weerarada AlShabaab ay la beegsanayaan dadka soomaaliyeed ee aan waxba Shalaysan aysan ka hor istaagi doonin Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira sugidda Amniga iyo xasilooni uu dalku gaaro.

"Baarlamaanka Carabta wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Jamhuuriyadda Soom aaliya iyo Shacbigeeda dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxaanan ka taageeri do onaa tallaabooyinka looga hortagayo ururada Argagixisada ah” sidaana waxaa yiri Gud doomiyaha Baarlamaanka Carabta AlSayid Caadil Cabdirraxmaan.

Ugu danbayn guddoomiyaha Baarlamaan ka Carabta wuxuu tacsi u diray dadkii ku gee riyooday falkaasi , wuxuuna sidoo kale caafi maad buuxa oo dagdag u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay

BAARLAMAANKA PUNTLAND OO SHALAY SOO SAA RAY GA’AAN LA XIRIIRA SHIRKADDA DP WORLD

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland oo Shalay kulan ku yeeshay maga alada Garoowe ayaa dood adag ka yeeshay heshiiska shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Kulanka oo ahaa kii 18aad ee ka mid ah kalfadhiga 47aad golaha wakiillada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa shir guddoomiyey, gudoomiye Cabdir ashiid Yuusuf Jibriil oo ay dhinac fadhiyeen ku xigeenkiisa koowaad, Cabdicaiis Cabdull ahi Ismaan iyo ku xigeenkiisa labaad Mud ane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Sidoo kale waxaa kulanka soo xaadiray illaa 49 Mudane, kuwaas oo marka hore loo gudbiyey codsi ka soo baxay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ahaa in uu sii socdo dhameystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DPWorld) ee Dekadda Boosaaso.

Dood dheer kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah geliyey in shirkadda DP World ay sii wado mashruuca lagu horumarinayo dekeddaasi, waxaana ogolaatay illaa 38 Mudane, mina jrin cid diiday, balse waxaana ka aamus 11 Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka sare ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Go’aanka ka soo baxay xildhibaanada Puntland ayaa u ogolaanayo DP World nay sii maamusho dekedda Boosaaso oo maalmihii u dambeeyey ay cabasho ka taagneyd.

Arrinta ugu daran ayaa ka dhalatay, markii maraakiibta iyo doomaha ay ku xiran waa yeen dekeddaasi, kadib markii ay carro badan buuxisay halkaasi.

ODAYAASHA DHAQANKA OO DALAB U DIRAY MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA SOMALIYA

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta So omaaliya ahna Madaxweynhii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed oo ku sugan Mag aalada Baydhabo ayaa Habeen hore kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka ee halkaas kunool.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray Arrimo kala duwan oo ay kamid yihi in xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dhammaadka sanadkaan ee 2020/2021.

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in mu hiim ay tahay in Odayaasha dhaqanka looga baahan inay si cadaalad ah uga qeyb qaatan do orashada dalka, isla markaana soo xulaan Xildhibaano ka qeyb qaata sidii loo horumarin la haa dowladnimadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Odayaasha ayaa Shariif u gud biyay warqad ku socota Musharaxiinta xilka Ma daxweynaha, taas oo ku aadan sidii ay dhici lahed Doorasho nabad ah ugana qeyb qaadan lahaayeen si xasilooni ah, iyagoona Shariifka u ga mahadceliyay booqashadiisa.

Waxaa kaloo Odayaasha dhaqanka ay Mu sharaxiinta uu ugu horreeyo Madaxweynihii ho re ee dalka kula dardaarmeen inay noqdaan kuwo isku haaya siyaasadda dalka Soomaaliya oo xiligaan meel adeg mareysa.

Kulanka uu Sheekh Shariif la yeeshay Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wehlinaayay Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

4 QOF OO KU DHIMATAY SHIL GAARI DHAGAX BUUR

Inta la xaqiijiyay Afar qof ayaa ku dhinta shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Magaalada Dhagax buur ee Soomaali Galbeed iyada oo ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay shilkaas.

Shilkaan ayaa yimid ka dib markii Habeen hore isku dhaceen gaari nooca raaxada iyo si doo kale gaari ah nooca Soomaalida u taqaano Candho meyle.

Mas’uuliyiinta dowlad degaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay in Shilkaan uu ahaa halis badan, islamarkaana labada qof ee waxyeelado soo gaartay ay ku sugan yihiin xaalad halis ah.

Shilkaan ayaa la shegay in uu sabab u ahaa wadada uu ka dhacay oo aad u burburs an,iyada oo ay adkaanayso in wadayaasha gaa diidku ay xakameeyaan iyo xirfadda Darawa lada qaarkood oo iyana la sheego in ay sabab u yihiin shilalka.

TIGREEGA OO MAR KALE DUQEYN CULUS KA FULISAY MAGAALOOYIN KA TIRSAN ERITREA

Qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Asm ara Dekemehari, Gemehalo iyo Nefasit ee dalka Eritrea, sida ay ku warrantay warbaahinta Ma xaliga ee howlgasha Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay u mu uqdeen weerar gantaalo ah oo dhanka TPLF ka yimid, mana jiraan wax qasaaro ah oo ilaa imi nka la sheegay.

Safaarada Mareykanka ee Asmara ayaa mu waadiniinta u sheegtay in aanay guryaha ka bi xin, waxaana ay safaaraddu ay bogeeda interne tka ku qortay in qarax laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Asmara.

Dowlada Eritrea wali wax war arrintan kuma soo saarin, waxaana falkan uu daba joogaa la bo isbuuc ka dib markii sidan oo kale mal eeshiyaadka TPLF ay sheegteen 3 gantaal inay ku rideen magaalada Asmara

M/W FARANSIISKA OO KA CAROODAY MUUQ AAL LA GA DUUBAY ASKAR JIRDILEYSAY NIN MADOW AH

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macr on ayaa ‘aad uga naxay’ muuqaallada saddex sarkaal oo boolis ah oo magaalada Paris ku jir dilay nin madow ah oo fannaan ah sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska.

Madaxweyne Macron si cad ugama uusan hadlin dhacdadan, balse waxuu kala xaajooday arrintaan iyo kuwa ku lugta lehba wasiirkiisa arimaha gudaha Gérald Darmanin.

Seddaxda sarkaal ee lagu cadeeyay laguna arkay muuqaalka, iyagoo garaacaya Michel Zec ler ayaa shaqada laga joojiyay, waxaana ku so cda baaritaan.

Dhacdadaan ayaa horseeday in baaritaanno cu sub lagu sameeyo ciidamada amniga Fan arsiiska ee ka howlgala magaalada Paris.

XISBIGA UMMA EE SUUDAAN OO YEESHAY HOGGAAMIYE KMG AH

Fadlallah Burma Nasser, ayaa si rasmi ah lo ogu doortay hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee xisbiga Umma ee dalka Suudaan kaddib ge eridii todobaadkii hore ku timid hoggaamiyihii xisbigaas Saadiq Almahdi.

Nasser ayaa hoggaamin doona xisbiga inta laga gaarayo shirweynaha guud ee xisbigaas.

Hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay in xis bigiisu yahay xisbi bisil awoodna u leh tab bagelinta aragtida hoggaamiyahooda galbaday oo ah aragti fogaan arag ah oo u adeegeysa Suudaan.

Nasser ayaa ka mid ahaa shanta ku xigeen ee uu lahaa Saadiq Almahdi.

Almahdi ayaa ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu dam beeyay Suudaan ee loo doortay si dimoqraadi ah 1989kii.

Almahdi oo Khamiistii xanuunka COVID19 awgii ugu geeriyooday Imaaraatka ayaa Jimcihii Dorraad lagu aasay xabaalo ku yaalla Khartoum waxaana duugtiisa ka qeybgalay kumannaan taageerayaashiisa ka mid ahaa.

WAA KUMAA SEYNISYAHANKA NIYUKLEER IIRAAN EE LA KHAARAJIYAY?

Mohsen Fakhrizadeh, waa seynisyahanka u gu caansan ee barnaamijka Niyukleerka Iiraan, islamarkana waxaa uu ka mid yahay sha qsiyaadka ugu sareeya ee ilaalada kacaanka Iiraan. Waxaa muddo dheeer aad u hadal hayay hay’adaha sirdoonka reer galbeedka oo ku til maamay in uu udub dhaxaad u yahay ba rnaamijka Niyukleerka Iiraan.

Sida ku cad dikumiinti sir ah oo ay heshay Israa’iil 2018, waxaa uu Fakhrizadeh hogaam inayay barnaamij lagu dhisayo hub Niyukleer ah.Sidoo kale mar ayaa, rai’sul wasaarah Isr aa’iil Benjamin Netanyahu waxaa uu ku tilma amay Fakhrizedeh in uu yahay Seynisyahanka hogaamiya barnaamijka, waxa uuna xilligaas Netanyahu ugu baaqay dadka ay "magaciisa xusuusnaadaan”. Sanaddii 2015, wargeyska New York Times ayaa la barbar dhigay J Robert Oppenheimer, oo ahaa seynisyahankii hagayay soo saaridda hubkii Atoomikada ee ugu hore eyay ee Mareykanka dagaalkii labaad ee aduunka.

Fakhrizadeh ayaa la sheegay in uu ahaa ninkii horkacayay mashruuca Amad, oo la she egay in uu ahaa barnaamij qarsoodi ah oo la asaasay sanaddii 1989 islamarkana ahaa cilmibaarid ku saabsanayd suurtagalnimada dhisid da Bam Niyukleer ah.

Xaruntaasi ayaa la xiray 2003, sida ay shee gtay hay’adda quwadda atoomikada ee IAEA,.

Balse Mr Netanyahu ayaa sheegya in dikumiint iga ay heleen 2018 uu muujinayo in Fakhriz adeh uu wali hogaaminayo barnaamijkasi lagu magacaabo Amad ee lagu farsameynayo Niy ukleerka.

Israa’iil: Iraan madaafiic ayey ku sameys aneysaa gudaha SuuriyaIiraan oo dishay nin ka ganacsan jiray maandooriyaha Iiraan oo mar inka Hormuz ku qabsatay markab UK laga leey ahay.

Hay’adda IAEA ayaa dhanka kale muddo dheer dooneysay inay la hadasho Mr Fa khrizadeh taasi oo qeyb ka ahayd baa ritaankeeda ku aadan barmijka Niyukleerka.

Shaki laga qabay in Iiraan ay barnaamijka u isticmaaleyso farsameynta hub Niyukleer ah ay aa sababtay in Midowga Yurub, Qaramada Mid oobey iyo Mareykanka ay cunaqabateyn ku soo rogaan dalka Iiraan 2010.

Heshiiskii 2015 ay Iiraan la gaartay dalalka Mareykanka, Britain, Fransiiska, shiinaha, Ruu shka iyo Jarmalka ayaa waxaa uu horseeday inay Iran xaddido howlaheeda Niyukleer, iyada oo ku badalanaysa in cunaqabateynta laga qa ado.

Balse markii uu xukunka Mareykanka la war eegay Donald Trump ayaa waxaa uu gabi aha anba isaga baxay heshiiskaasi.

Dhanka kale xiisadda u dhaxeysa Mareykan ka iyo Iraan ayaa cirka isku shareertay bishii Ja nuary ka dib markii ay Mareykanka dileen Jan araal Qasem Soleimani, oo ahaa abaanduul

ihii xoogagga Quds. BBCSomali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip