Maxaa Xalay ka soo baxaya Madaxtooyadakulnakii ay yeesheen (Farmaajo, Rooble, Qoorqoor iyo Fahad oo ...

0
Sunday November 29, 2020 - 08:30:01 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Xalay ka soo baxaya Madaxtooyadakulnakii ay yeesheen (Farmaajo, Rooble, Qoorqoor iyo Fahad oo ...

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ilo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan albaabada u xiran uu xilligaan u socdo Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, waxaana wararku sheegayaan in kulankaas qeyb ka yahay Taliyaha awoodda badan ee Nabadsugida Fahad Yaasiin.

    Kulankan ayaa ku soo aaday xilli xaalada siyaasadeed ee dalka ay marxalad xasaasi ah mareyso, isla markaana muran uu ka taagan yahay Guddiyadda doorasho ee dhowaan la magacaabay.

     Shir muddo shan cisho socday oo ay todobaadkii hore Muqdisho ku yeesheen Musharaxiinta Madaxweynaha oo sameystay Gole ay ku mideysan yihiin ayay kaga soo saareen war saxaafadeed ka kooban 18 qodob, waxaana dowladda ugu baaqeen in lakala diro Guddiga, maadaama ay ku jiraan askar ka tirsan Nabadsugida iyo shaqaalaha Rayidka.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta waxay ka dalbadeen Taliyaha NISA Fahad Yaasiin inuu xilka banneeyo, maadaama uu yahay Madaxa Ololaha dib u doorashada Farmaajo.

haddaba Lama oga in kulankan looga arrinsanayo iyo in kale arrinta Guddiyada doorashada heer dowlad goboleed iyo kuwa heer Federaal ee muranka ka taagan iyo haddii dowladdu qorsheyneyso inay wax ka bedel ku sameyso Guddiga ama ay u diyaar garoobeyso tallaabooyin kale oo ay ku socodsiineyso howlaha guddiga doorashada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip