Dil ka dhacay degmada Jalalaqsi & dad loo qabtay

0
Sunday November 29, 2020 - 07:54:37 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil ka dhacay degmada Jalalaqsi & dad loo qabtay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Rag hubeysan ayaa waxaa ay xalay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ku dileen Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarda & Ciyaaraaha Degmada Jalalaqsi, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Maxamed Xuseen Dardar ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa bartamaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana goobta tegay Ciidamo ka tirsan dowladda , iyaga oo goobta ka qaaday meydkiisa

Ciidamada Booliska degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sameeyeen howlagllo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas, waxaana la sheegay in dad badan ay Ciidamadu dilka u qabteen.

Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa amniga degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana 16-kii bishaan Magaalada Beledweyne lagu dilay Guddoomiye ku Xigeenkii Xaafada Buundweyn oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Muxumed (Kuukay dheere).

SAWIRKA GUDDOOMIYAHA LA DILAY



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip