Bannaanbaxyo lagu taageerayo doorashada Farmaajo oo ka dhacday Gedo

0
Saturday November 28, 2020 - 15:45:32 in Wararka by
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bannaanbaxyo lagu taageerayo doorashada Farmaajo oo ka dhacday Gedo

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Bannaanbaxyo lagu taageerayo doorashada Farmaajo oo ka dhacday Gedo

 

       Gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay bannaan baxyo lagu taageerayo dib u doorashada madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo dadka ay sidoo kale muujinayeen sida ay kaga soo horjeedaan warkii kasoo baxay Musharaxiintii mucaaradka ee Muqdisho ku shiray.

            Bannaanbaxyadaan waxaa soo abaabulay maamulka gobolka Gedo, waxaana si cad loogu taageeray ololaha madaxweyne Farmaajo, sidoo kalana waxey kuwa qabyaalad kaliya ku asteysan ku tilmaanen musharaxiintii mucaaradka.

            Gudoomiyaha Gobolka Gedo wuxuu musharaxiinta mucaaradka ku tilmaamay kuwa aan caafimaad ahaan taam aheyn, una baahan in isbitaal la geeyo, arrimaha ugu weyn ee la isla gartay intii shirkar musharaxiinta mucaaradka socday waxaa ka mid ah arrimo ku saabsan gobolka Gedo.

         Musharaxiinta Mucaaradka waxey ku baaqeen in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo laga soo saaro, wuxuuna bannaanbaxaan noqonayaa midkii ugu horreeyay oo ay dowladda abaabusho kadib qoraalkii kasoo baxay musharaxiinta mucaaradka.

 

        Musharaxiinta Mucaaradka waxey sidoo kale aad u diidan yahiin guddiyada doorashada oo ay magacowday dowladda kuwaas oo lagu sheegay iney yahiin saraakiil ciidan, shaqaale ka hawlgala madaxtooyada iyo sidoo kale taageerayaasha madaxweyne Farmaajo.

        Waxaa sidoo kale isku maandhaafsan yahay xubnaha matalaya beelaha Banaadiriga iyo kuwa Somaliland, kuwaas oo wali khilaaf baahsan uu ka jiro, waxaana lagu jiraa wakhtigii lagu ballamay iney bilowdaan qeybta hore doorashooyinka guud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip