Jariirada El País Oo Faah Faahin Ka Bixisay Heshiis Hordhac Ah Oo Ay Manchester United La Gashay Jose Mourinho Iyo Lacagta Uu Qaadanayo Inta Aan Heshiiskiisa Rasmiga Ah La Gaadhin

0
Sunday March 20, 2016 - 12:20:18 in Sports News by
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jariirada El País Oo Faah Faahin Ka Bixisay Heshiis Hordhac Ah Oo Ay Manchester United La Gashay Jose Mourinho Iyo Lacagta Uu Qaadanayo Inta Aan Heshiiskiisa Rasmiga Ah La Gaadhin

    Manchester United ayaa heshiis hordhac ah la gaadhay tababarihii hore ee Chelsea ee Jose Mourinho sida ay faah faahin ka bixisay jariirada ree Spain eeEl País, waxayna jariiradani ay ku warantay in Mourinho uu laba taariikhood oo kala duwan uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa heshiis hordhac ah la gaadhay tababarihii hore ee Chelsea ee Jose Mourinho sida ay faah faahin ka bixisay jariirada ree Spain eeEl País, waxayna jariiradani ay ku warantay in Mourinho uu laba taariikhood oo kala duwan uu Man United lacago ka qaadan doono ka hor heshiiska rasmiga ah.

Haddii ay Manchester United ka noqoto heshiiska hordhaca ah ee ay la gaadhay Mourinho, 1-da bisha May 2016, Man United ayay qasab ku tahay in ay Mourinho siiso lacag dhan 6.5 milyan euros sidoo kale haddii heshiiska rasmiga ah ee Man United iyo Mourinho la dhamaystiri waayo 1-da June, waxa uu markaas Mourinho markale heli doonaa 13 milan oo gini oo dheeraad ah.Mourinho1

JariiradaEl País ayaa shaaca ka qaaday in gudoomiye ku xigeenka Man United eeEd Woodward uu si wayn u doonayo in uu Mourinho ka soo dejiyo Old Traffrod balse tababarihii hore Sir Alex Ferguson iyoBobby Charlton ayaan si buuxda u taageersanayn magacaabista Man United ee Mourinho.Mourinho12

Tan iyo markii Cheslea ay bishii December 2015 kii ay Mourinho ka caydhisay shaqada kooxdeeda ayaa Mourinho lala xidhiidhiyay shaqada Man United balse hadda waxay u muuqataa in ay labada dhinac ku jiraan heshiis hordhaca ah oo ay u badan tahay in la dhaqan galin doono. WaxaynaEl País ay intaa ku dartay in Mourinho uu heshiiskan hordhaca ah uu u saxiixay Man United

.Mourinho




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip