Hordhac: Real Madrid Vs Sevilla-Zinedine Zidane Iyo Kooxdiisa Los Blancos Oo Bernabeu Kulan Muhiim Ah Ku Wajahaya Kooxda Sevilla Oo Kaalinta Afraad Ee La Ligaha U Tartamaysa

0
Sunday March 20, 2016 - 12:15:34 in Sports News by
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Real Madrid Vs Sevilla-Zinedine Zidane Iyo Kooxdiisa Los Blancos Oo Bernabeu Kulan Muhiim Ah Ku Wajahaya Kooxda Sevilla Oo Kaalinta Afraad Ee La Ligaha U Tartamaysa

    XOGTA KULANKAN Kulankan:Real MadridVs Sevilla Tartanka:La Liga Garoonka:Estadio Santiago Bernabéu Waqtiga:10:30 PM saacada geeska Afrika Garsooraha:Javier Estrada Fernández

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XOGTA KULANKAN Kulankan:Real MadridVs Sevilla Tartanka:La Liga Garoonka:Estadio Santiago Bernabéu Waqtiga:10:30 PM saacada geeska Afrika Garsooraha:Javier Estrada Fernández

Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku soo dhawaynaysa kooxda kaalinta afraad u tartamaysa ee Sevilla, waxayna Real Madrid kulankan ciyaaraysaa iyada oo guul cidhiidh ah oo 2:1 ahayd waqti danbe ka soo gaadhay kooxda Las Palmas balse Los Balncos ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo badhigtay garoonkeeda tan iyo markii uuZinedine Zidane la wareegay shaqada Madrid.

Real Madrid ayaa kulankan ciyaarysa iyada oo sidoo kale ka fikiraysa kulanka El-Clasico-da labaad oo ay Camp Nou ku booqan doonto kooxda hogaanka La Ligaha haysa ee Barcelona oo iyaduna kulanka adag la ciyaari doonta kooxda Villarreal. Real Madrid iyo Barcelona ayaa la kala ciyaari doona kooxaha Sevilla iyo Villarreal oo kaalinta afraad ee Champions leaque-ga loogu soo baxo ku tartamaya, balse waxaan guul ahayn oo ay Madrid kala kulanto Sevilla ayaa soo gabagabayn doonta rajada yar ee ay ka qabto koobka La Ligaha.Real madrid Vs Sevilla

Sevilla ayaa Bernabue iskeenaysa iyada oo kaalinta shanaad ku jirta isla markaana doonaysa in ay soo yarayso farqiga dhibcaha ay jirto kaalinta afraad oo ay Villarreal ku jirto, laakiin Sevilla oo kulankii hore ee xili ciyaareedkan Real Madrid garoonkeeda ku soo garaacday ayaa maanka ku haysa hawsha ay Madrid kala kulmi doonto.

WAXYAABO AAD U BAAHAN TAHAY IN AAD KULANKAN KA OGAATO:

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa kaadhka cas loo taagay dhamaadkii kulankii Las Palmas wuxuuna seegi doonaa kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxdiisii hore ee Sevilla, waxa kale oo Real Madrid kulankan ganaax kaga maqan Pepe kaas oo ay isna u buuxsantay shanta gaadh ee digniinta ahi

.Pepe and Ramos

Laakiin warka fiican ee ay Madrid heshay ayaa ah in Zinedine Zidane uu liiska kooxdiisa Madrid ee kulankan uu ku soo daray Karim Benzema oo dhaawac la maqnaa tan iyo kulankii Madrid Derby ee ay Real Maddrid la ciyaartay kooxda Atletico Madrid. Gareth Bale oo laga reebay liiska xulka qarankiisa Wales ayaa hadda si buuxda taam ugu ah in uu kulankan dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.Benzema

Dhinaca kooxda martida ah ee Sevilla waxaa kulankan ganaax kaga maqnaan doonaBanega laakiinSteven N’Zonzi ayaa dib ugu soo labaan doona Sevilla kadib markii uu seegay kulankii ay Sevilla 3:0 ku dubatay kooxda FA Basel ee kulankii Europa Leaque-ga. Laakiin waxa uu shaki ku jiraa taam ahaansha labada xidig ee aadka Sevilla muhiimka ugu ah eeVitolo iyo Yevhen Konoplyanka waxayna la dhibtoonayaan dhaawacyo muruqa ah. Laakiin warka fiican ee Sevilla ayaa ah inGrzegorz Krychowiak uu markii ugu horaysay shaxda Sevilla ku soo bilaaban karo tan iyo bishii January.Grzegorz Krychowiak

 

Liiska Ciyaartoyda Madrid ee uu Zidane Soo saaray:Keylor Navas, Casilla and Rubén Yáñez,Varane, Nacho, Marcelo, Carvajal, Arbeloa and Danilo,Kroos, James, Bale, Casemiro, Modric and Isco,Cristiano Ronaldo, Benzema, Lucas Vázquez iyo Jesé Rodriguez.

WAXYAABO AAD U BAAHAN TAHAY IN AAD KULANKAN KA OGAATO:

  • Haddii ay Sevilla kulankan guulaysan wadyo, tababaraha kooxda Sevilla eeUnai Emery ayaa barbarayn doona rekoodhkiisii ugu xumaa ee ay uu hore Sevilla ugu dhigay sanadkii 2013 kii markaas oo ay Sevilla ku fashilantay in ay 15 kulan oo ay marti ahayd ay wax guul ah soo gaadhi wayday, waxayna Sevilla hadda bilaa guul tahay 14 kulan oo ay marti ahayd.
  • Sagaalkii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Real Madrid iyo Sevilla ku ciyaareenSantiago Bernabeu ayaa la bixiyay sagaal kaadh casaan, shan kaadh casaan waxaa qaatay ciyaartoy Sevilla ah halka afar ciyaartoy oo ay Real Madrid ah iyagana kaadhka cas loo taagay, waxaana markale jirta halis ah labada kooxood ku qaadan karaan kaadhka cas.
  • Cristiano Ronaldo ayaa goolasha ugu badan ka dhaliyay Sevilla in ka badan kooxaha kale ee Ligaha marka laga reebo kooxda Getafe oo uu iyadana ka dhaliyay goolal la mid ah inta uu Sevilla ka dhaliyay. Ronaldo ayaa Sevilla ka dhaliyay 19 gool waana goolal la mid ah inta uu Getafe ka dhaliyay.

SHAXA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Real Madrid: Navas; Danilo, Varane, Nacho, Marcelo; Modric, Kroos, Isco; Bale, Benzema, Ronaldo

Sevilla: Rico; Mariano, Rami, Kolodziejczak, Tremoulinas; Iborra, Cristoforo; Reyes, Krohn-Dehli, Konoplyanka; Gameiro




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip