Maxaan ka ognahay Sarkaalka Mareykanka ee lagu dilay Somaliya?

0
Friday November 27, 2020 - 20:31:48 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaan ka ognahay Sarkaalka Mareykanka ee lagu dilay Somaliya?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadalhaysa warka Khamiistii soo shaac-baxay, ee sheegaya in maalmo ka hor Somaliya lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA.

Jariiradda New York Time ayaa markii ugu horeysay shaacisay in Sarkaal ka tirsanaa CIA-da Mareykanka lagu dilay Somaliya, iyadoo markaasi soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Mareykanka.

              Lama shaacin magaca Sarkaalkan, mana cadda halka looga dilay Somaliya iyo qaabka uu u geeriyoodayba, haddii weerar lagu dilay iyo haddii hawlgal uu qayb ka ahaa lagu dilayba.

           Waxa keliya ee laga ogyahay waa inuu ka mid ahaa ciidan gaaraya toddobo boqol oo askari, oo Mareykanka ka joogga Somaliya, kuwaa oo intooda badan ay ka hawlgalaan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Jubbada Hoose. Mareykanka ayaa saldhigiisa ugu weyn waxa uu ku leeyahay Garoonka Ballidoogle, oo ku yaala duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

         Sarkaalkan ayaa ka tirsanaa qaybta dibadda ee CIA-da, waxa uu noqonaya Sarkaalkii 136aad, uguna firfircoonaa ee laga dilo Sirdoonka Mareykanka.

            Diiwaanka xusuusta ee CIA-da wixii ka horeeyay toddobaadkan waxaa ka muuqday 135 xidig oo ka baxay CIA-da, haddase waxaa ku kordhi doono Sarkaalkan la soo wariyay in lagu qaarajiyay Somaliya.

           Dilkiisu waxa uu ku soo aadayaa, xilli Washington ay waday qorshe inta badan ciidamadeeda uga soo saareyso Somaliya, taasoo markaasi dhaawici karta dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

P           Prof. Jibriil Aw Maxamed oo wax-ka-dhiga Jaamacadda Ohio, lana hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa wax laga weydiiyay waxa uu ahaa Sarkaalkan iyo waxa dilkiisuba ka dhigan yahay.

Halkan ka daalaco wareysiga Prof. Jibriil

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip