Sucuudiga oo saraakiil ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen musuq maasuq ka dhacay wasaaradda gaashaandhigga.

0
Friday November 27, 2020 - 20:13:18 in Wararka by
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga oo saraakiil ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen musuq maasuq ka dhacay wasaaradda gaashaandhigga.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeen baaritaan ku saabsan musuq maasuq ka bilowday wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas kaddib markii la lunsaday lacago dhan 325 malyan oo doolar.

            Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa Sacuudiga ayaa sheegay in baaritaan lagu sameynayo tiro saraakiil ah iyo ganacsato xilli ay jiraa kiisas musuq maasuq ah oo gaarayo 158.Saraakiisha loo heysto eedeymahan waxaa kamid ah shaqaale ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada.

             Sannadihii dhawaa waxaa sii kordhayay awoodaha iyo galaangalka amiirkan da’da yar, Maxamed Bin Salmaan. wuxuu qaaday tallaabooyin ka dhan ah musuq maasuqa.

           Sanadkii 2017-kii, boqolaal qof oo isugu jiro amiirro, wasiiro iyo ganacsato ayaa lagu xiray huteel lagu raaxeysto oo ku yaalla Riyad kuwaas oo loo heystay dambiyo la xiriira musuq maasuq.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip