Tallaabada ay tahay in DF ay qaaddo kadib go'aanadii kasoo baxay mucaaradka

0
Friday November 27, 2020 - 20:09:38 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallaabada ay tahay in DF ay qaaddo kadib go'aanadii kasoo baxay mucaaradka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Tallaabada ay tahay in DF ay qaaddo kadib go’aanadii kasoo baxay mucaaradka

            Kadib qodobadii ay Khamiistii soo saareen Midowga Musharaxiinta, ee u tartamaya jegada madaxtinimada ee dalka ayaa waxay walaac ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed. Qodobadaasi ayaa xoojiyay dareenkii horaan looga qabay in loolan siyaasadeed oo adag ka dhex bilaaban karo Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Dadkase wax ku qora barraha bulshada waxay qorayaan inaanu xaalka heerkaa gaari lahayn, haddii Dowladda Federaalka si lagu qanacsan yahay u maamuli laheyd doorashooyinka dalka.

              Musharaxiinta Mucaaradka oo toddobaadyadii la soo dhaafayba ka biyo diidanaa Guddiyada Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaad mooddaa, sidii ku habooneyd inaanay dowladdu uga falcelin.

           Diidmada adag ee mucaaradka ayaa soo ifbaxday, ka dib markii ay sheegeen in Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ay qaarkood ka tirsan yihiin Saraakiisha Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Xafiisyaa Madaxda.Walaaca ay xilligan dadku qabaan ayaa ah in gacan ka hadal uu isu bedelo        xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan, haddii dhinacyada ugu tunka weyn siyaasadda aysan xal u helin arrimaha ay isu hayaan.

         Haddaba Maxaa looga baahan yahay Dowladda 

Federaalka?

            Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo fallanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in dalka uu wajahayo marxalad adag, xilli siyaasadda aanay cago badan ku taagnayn, waxa uu intaa ku daray in ay muhiim tahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda.

            "Soomaaliya waxay gelaysaa marxalad aad u adag, Soomaaliya waxay gelaysaa xilli kala guur ah, oo siyaasaddu aysan deganayn.” Ayuu yiri Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

           Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri "In la helo doorasho xor oo xalaal ah waa muhiim, in la helo doorasho heshiis lagu yahay waa muhiim, in la helo doorasho lagu tartami karo, taa iyada ah waa muhiim.”

            Si looga baaqsado dib u dhac markale dalka ku yimaado ayuu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay dib u eegto waxa socda, oo aanay ku amar taaglayn rabitaankeeda oo qura.

            "Dowladda naftigeeda waxaa loo baahan yahay in ay taa ka fekerto, maxaa yeelay dowladda naftigeeda ma wanaagsana inay tiraahdo anaa iri, xilligii keli-talisnimada Soomaaliya way ka dhammaatay. Soomaaliya waxay u baahan tahay in la’isku tanaasulo, Soomaaliya waxay u baahan tahay geedi-socodka nabadda in la tartiibiyo.” Ayuu yiri Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

             Sidoo kale waxa uu sheegay in Villa Somalia iyo Midowga Musharaxiintaba looga baahan yahay inay muujiyaan qaangaarnimo siyaasadeed, iyadoo hadafkuna yahay in dalka laga qabto doorasho xalaal ah.

             "In la muujiyo qaangaarnimo ayaa loo baahan, dowladdu waa inay qaangaarnimo muujisaa. Nimankan tartamaya waxyaabo runtii sax ah ayay tabanayaan, in waxyaabahaas saxda ah ay tabanayaan dowladdu wax ka qabato. Waxyaabaha ay ku talax taggayaana inaanan laga yeelin, laakiin yoolku waa Soomaaliya oo hesho doorasho xor oo xalaal ah, Soomaaliya oo ka gudubto marxaladaan cakiran, Soomaaliya oo u gudubto hoggaan wanaagsan, kuwaan xilka haya haku soo noqdaan ama mid cusub ogolaado.” Ayuu sii raaciyay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip