TV-ga Manchester United Oo Baahiyay Muqaal Si Wayn Loogu Eedaynayo Hanaanka Ciyaareed Ee Kooxda Louis Van Gaal Iyo David May Oo Cadho Kula Dhacay Hanaanka Lagu Caajisay Ee Red Devils

0
Sunday March 20, 2016 - 12:13:09 in Sports News by
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TV-ga Manchester United Oo Baahiyay Muqaal Si Wayn Loogu Eedaynayo Hanaanka Ciyaareed Ee Kooxda Louis Van Gaal Iyo David May Oo Cadho Kula Dhacay Hanaanka Lagu Caajisay Ee Red Devils

    Ma aha wax loo bartay in TV-ga Manchester United uu baahiyo muuqaal lagu eedaynayo hanaanka ciyaareed ee kooxda ay barnaamujyadeeda baahiyaan ee Man Ubited balse hanaanka ciyaareed ee lagu caajisay ee tababareLouis van Gaal ayaa keentay in difaacii h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma aha wax loo bartay in TV-ga Manchester United uu baahiyo muuqaal lagu eedaynayo hanaanka ciyaareed ee kooxda ay barnaamujyadeeda baahiyaan ee Man Ubited balse hanaanka ciyaareed ee lagu caajisay ee tababareLouis van Gaal ayaa keentay in difaacii hore ee Man United eeDavid May uu soo fadhiisto TV-ga United isla markaana uu eedayn u soo jeediyo kooxda Red Devils.

David May ayaa ka mid ahaa kooxdiiSir Alex Ferguson ee sanadkii 1999 kii Man United kula guulaystay saddexda koob wuxuuna ka hor kulanka Manchester Derby uu kooxdiisii hore ee Man United uu ka dalbaday in ay soo badhigaan ciyaar weerar badan leh oo ay iska daayaan barbaraha lagu caajisay.

Van Gaal

David May oo la hadlayay MUTV ayaa yidhi: "Anigu waxaan barbaro lagu caajisay ka jeclaan lahaa iyada oo 3:0 Manchester United lagu garaaco, waxaan khaatin ka taaganahay barbaraha gool la’aan ah ee qaybta hore ee kulamada, aan ka socono oo aan socono”.

David May oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Waxaan jeclaan lahaa in Manchester United ay noqoto lugta hore sidii kulankii Liverpool, taas ayaa ah waxa ay Man United tahay iyo weerarkeedu. Anigu ma doonayo in aan taxadarno oo aan dib isakga fadhiisano oo aan ka fikirno in ay hal dhibic tahay wax fiican”.

Manchester-United-v-Liverpool-Europa-League-Round-of-16-Second-Leg
Manchester United ayaa kulankan Manchester Derby ciyaaraysa iyada oo kaalinta lixaad kaga jirta kala saraynta Premier Leaque-ga waxaana ka horaysa kooxda West ham United oo kaalinta shanaad ku jirta balse guuldaro ama barabaro ay Red Devils kala soo kulanto Man City ayaa soo gaba gabayn karta rajada yar ee ay ka qabto in ay kaalinta afraad ku dhamaysan karto xili ciyaareedkan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip