Shariifka oo Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha K/galbeed (SAWIRRO)

0
Thursday November 26, 2020 - 22:16:35 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariifka oo Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha K/galbeed (SAWIRRO)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo maanta gaaray magaaladaasi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay socdaalka wafdiga Shariif Sheekh Axmed ku yimaadeen Magaalada Baydhabo ayaa ku sheegay mid booqasho ah.

Madaxweynaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Shariif Sheekh Axmed, ay si weyn u soo wada shaqeeyeen mudadii uu ku magacawnaa Madaxweynaha Qaranka, iminkana uu Baydhabo yimid, isagoo u ololeynayo doorashada madaxtinimada ee dalka.

Lafta-gareen ayaa sheegay in Shariifka uu ku soo dhaweynayo Magaalada Baydhabo, oo caan ku ah buu yiri soo dhaweynta iyo martisoorka.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo u tagay dardargelinta ololihiisa ku aadan qabashada Xafiiska Madaxtooyada.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip