Meydka ra'iisul wasaarihii hore ee Sudan Sadiq Al-Mahdi oo lagu aasay magaalada Kharduum

0
Friday November 27, 2020 - 19:28:31 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydka ra'iisul wasaarihii hore ee Sudan Sadiq Al-Mahdi oo lagu aasay magaalada Kharduum

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Kumanaan qof ayaa ka qaybgalay aaska Sadiq Al-Mahdi,Ra’isulwasaarahii hore ee Sudan ,isla markaana ahaa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta ah.

Marxuumka ayaa shalay khamiis ku geeriyooday dalka imaaraadka , isagoo jira 84, waxa uuna u geeriyooday xanuunka Corona virus-ka .

Maanta oo jimca ah aaska Sadiq almahdi waxa uu ka dhacay magaalada caasimada ah waxaana ka soo qayb galay Kumanaan qof oo ay ku jireen madaxda xisbiga mucaaradka ee "National Umma Party " iyo Raiisul wasaarihii hore ee Sudan .

Allaha u naxariistee Sadaq Al-Mahdi ayaa labo jeer ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka Sudan, waxana uu noqday markii ugu horeysay sanadkii 1966-67 halka uu markalana ahaa intii u dhexeysay 1986-1989.

Al-Mahdi ayaa ahaa madaxa xisbiga qaranka ee Umma waxana uu sidoo kale ahaa Imamka dariiqada Suufiyada ee Ansar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip