Mahad Salaad;"Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig"

0
Thursday November 26, 2020 - 20:15:23 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Salaad;"Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

       Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si kulul uga hadlay hadal uu ka jeediyay duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish kaasoo uu ugaga hadlay shirka doorashada.

           Mahad Salaad oo hadalo adadag soo dhiga bartiisa facebook ayuu goor dhow waxa uu ku soo daabacay hadalo ay ka mid ahaayeen;”Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine!.”

          Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraalkiisa waxa uu ku soo hadal qaaday warar maalmihii la soo dhaafay lagu daabacayay baraha bulshada taasoo ah in xarunta maamulka gobolka Banaadir laga jartay korontada kadib markii lagu yeeshay lacago badan.

             "Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi!”

     Xiisadaha ka dhashay arrimaha doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ahaayeen kuwo siyaasiyiintu ay ugaga hadlaan kulamada ay ka qeybgalaan iyo sidoo kale baraha bulshada.

xigasho:jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip