Lafta-gareen oo shaaca ka qaaday cidda 'caqabada ugu weyn' ku ah maamulkiisa

0
Friday November 27, 2020 - 11:08:17 in Wararka by
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lafta-gareen oo shaaca ka qaaday cidda 'caqabada ugu weyn' ku ah maamulkiisa

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Lafta-gareen oo shaaca ka qaaday cidda ‘caqabada ugu weyn’ ku ah maamulkiisa

 

      Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha uu ka dhaqaaqi laayahay maamulkiisa, kaasi oo uu sheegay inay sabab u tahay in uu istaago horumarka maamulkaasi.

            Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabada u weyn ee maamulkiisa Koonfur Galbeed haysata ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay go’doon geliyeen deegaano ka tirsan maamulkiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in go’doominta Al-Shabaab ay keentay inaysan isku gudbin degmooyinka qaar oo ka tirsan Koonfur Galbeed, isagoona xusay in afar degmo oo ka tirsan maamulkiisa ay gacanta ku hayaan kooxdaasi.

           Lafta-gareen ayaa carabka ku adkeeyay in Koonfur Galbeed ay ka dhaqaaqi laadahay amni darada ay horseedka u yihiin Shabaabku, hase yeeshe ay dagaal xoogan kala hortagi doonaan.

 

            "Caqabado amni ayaa ka taagan Koonfur Galbeed, waxaana waajib ah in si wada-jir ah looga howl-galo in la isku furo waddoyinka deegaanada iyo degmooyinka maamulka” ayuu yiri Madaxweyne Laft-gareen.

             Hadalkan ayaa imanaya xili ay Shabaab sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka sameyso maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo mararka qaar ka geysata dilal qorsheysan iyo falal amniga lidi ku ah.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip