Geelle oo shaaciyey cabsi uu ka qabo baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda

0
Thursday November 26, 2020 - 19:29:07 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geelle oo shaaciyey cabsi uu ka qabo baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda

    Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sarre u qaaday walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay xildhibaano ku yeelato goleyaasha cusub ee baarlamaanka, taasi oo awood buuxda u siineysa inay si dad-ban u maamusho dalka. Waxa kale oo uu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sarre u qaaday walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay xildhibaano ku yeelato goleyaasha cusub ee baarlamaanka, taasi oo awood buuxda u siineysa inay si dad-ban u maamusho dalka. Waxa kale oo uu sheegay in Al-Shabaab ay xiligan awood u leeyihiin inay gataan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada, xili dhawaan lasoo wariyay inay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab ergada soo xulaneysa xildhibaanada. "Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada," ayuu wareysigan ku yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in taxadar weyn la muujiyo, islamarkaana la garab istaago dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ismaaciil Cumar Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in saameynta kooxda Al- Shabaab ay sii fiday sanadihii dambe, islamarkaana ay canshuur ka qaado ganacsatada, sidoo kalena ay xeryaha qaxootiga ka qorato dhalinyarada shaqo la'aanta ah. Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in Al-Shabaab ay ku howlan yihiin dagaal gelinta dhalinyarada ay hayso shaqo la'aanta, iyaga oo ku indho sarcaadaya lacag, taasi oo kasoo gasha canshuurta xad dhaaf ah ee ay ka qaadan ganacsatada dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey looga digay in la soo doorto xildhibaano Al-Shabaab oo ka mid noqdo baarlamaanka 11-aad ee dalka, maadaama ay horey ugu yeereen qaar ka mid ergadii soo xushay xubnaha baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip