Mustabalka Kabtanka Liverpool Ee Jordan Henderson Oo Mugdi Galay Iyada Oo Tababare Jurgen Klopp Uu Qorshaynayo Dib U Habaynta Uu Reds Ku Samaynayo Dhamaadka Xili Ciyaareedkan

0
Sunday March 20, 2016 - 12:07:20 in Sports News by
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustabalka Kabtanka Liverpool Ee Jordan Henderson Oo Mugdi Galay Iyada Oo Tababare Jurgen Klopp Uu Qorshaynayo Dib U Habaynta Uu Reds Ku Samaynayo Dhamaadka Xili Ciyaareedkan

    Tababaraha Liverpool eeJurgen Klopp ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan bilaabi doona qorshihiisa xili ciyaareedka danbe, wuxuuna mustaqbalkiisa Liverpool uu mugdi galay kabtanka Reds eeJordan Henderson. Xidigii hore ee Sunderland ee Henderson ayaan maa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Liverpool eeJurgen Klopp ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan bilaabi doona qorshihiisa xili ciyaareedka danbe, wuxuuna mustaqbalkiisa Liverpool uu mugdi galay kabtanka Reds eeJordan Henderson. Xidigii hore ee Sunderland ee Henderson ayaan maamulka Klopp ee Liverpool ku soo badhigin qaab ciyaareedkisii ugu fiicnaa, waxaana suurtogal ah in Liverpool ay xagaaga iska iibiso Henderson.

Liverpool ayaa dhagaysan doonta dalab gaadhaya 20 milyan oo gini ooJordan Henderson lagu doonayo, wuxuuna Klopp lacagtaas dib ugu maal galin doonaa kooxdiisa iyada oo Liverpool ay diirada ku hayso xidigaha kala ah Mario Goetze, Leandro Paredes iyo Javier Hernandez.Hendo1

Tababare Klopp ayaa iska diiday in uu meesha ka saaro bixitaanka xagaaga ee Henderson, waxaana jiray warar sheegayay in kooxda Tottenham ay xiisaynayso saxiixa kabtanka Reds ee Henderson, wuxuuna Klopp oo ka jawaabayay xiisaha Tottenham ee Henderson uu yidhi: "Ma jiro qof kaliya oo aduunka jooga, laga yaabee Messi oo kaliya ayaan ahayn mid la iibin karo”.Hendo3

Klopp oo hadalkiisa sii wata isla markaana arintan ka sii hadlaya ayaa yidhi: "Anigu waxaan filayaa in ay tahay xanta suuqa oo kaliya laakiin haddii ayna xanta suuqa ahayn ama haddii uu ciyaartoy aniga ii yimaado oo uu iisheego in aanu raaxo dareemayn oo uu doonayo in uu baxo, oo uu u baxo hanaan ciyaareed ama lacag badan waxaad markaas bilaabaysaa in aad fikirto”.hendo

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip