Sababta ay musharaxiinta mucaaradka u doonayaan is-casilaadda Fahad Yaasiin

0
Thursday November 26, 2020 - 19:22:06 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta ay musharaxiinta mucaaradka u doonayaan is-casilaadda Fahad Yaasiin

    Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa maanta shirkoodii ka socday magaalada Muqdisho soo gaba-gabeeyay, iyagoona kasoo saaray war-murtiyeed dheer oo ka kooban 18-qodob, kaasi oo looga hadlay go'aanka maamulka do

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa maanta shirkoodii ka socday magaalada Muqdisho soo gaba-gabeeyay, iyagoona kasoo saaray war-murtiyeed dheer oo ka kooban 18-qodob, kaasi oo looga hadlay go'aanka maamulka doorashooyinka, ammaanka doorashooyinka iyo arrimo guud oo taagan. War-murtiyeedka shirkaasi ayaa waxa eedeymo hor leh loogu jeediyay taliyaha hay'adda nabad sugida, Fahad Yaasiin, kaasi oo lagu sheegay inuu yahay 'madaxa ololaha dib u doorashada madaxweyne Farmaajo'. Golaha musharaxiinta ayaa iyaga oo soo xiganaya qodobka 127-aad ee Dastuurka KMG ah dalbaday in xilka hay'adda NISA uu iska casilo, maadama uu kamid yahay shaqsiyaadka ugu tunka weyn ee gadaal ka wada ololaha Farmaajo, sida ay hadalka u dhigeen. Is-casilaada Fahad ayey ku tilmaamen mid dib usoo celin karta dhex-dhexaadnimadii hay'adda NISA, oo ay sheegen inay xiligan meesha ka baxday. Waxa kale oo ay musharaxiintu dalbadeen in gebi ahaanba laga fogeeyo sugida amaanka doorashooyinka hay'adda NISA, iyaga oo ku soo koobay inay ka shaqeeyan booliska Soomaaliya iyo AMISOM. "Iyada oo la cuskanaayo mabaadi'da ku xusan dhamaan faqrooyinka qodobka 127aad ee Dastuurka KMG ah uu taliyaha Hay'adda Nabadsugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka Hay'adda NISA, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo sugo dhex dhexaadnimada Hay'adda NISA"ayaa lagu yiri war-murtiyeedka. Musharaxiinta ayaa walaac xoogan ka qaba isku milanka Villa Somalia iyo Hay'adda NISA, iyaga oo dhawaana sheegay in guddiyada doorashooyinka ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan hay'addaasi, hase yeeshe ay beenisay dowladdu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip