DFS & Puntland oo ka wada hadlay saameynta ka dhalatay duufaanta

0
Thursday November 26, 2020 - 19:16:06 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DFS & Puntland oo ka wada hadlay saameynta ka dhalatay duufaanta

    Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday Hay'adaha Gar-gaarka , Arrimaha Bani'aadinimada iyo Masiibooyinka Puntlanad. Kula

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday Hay'adaha Gar-gaarka , Arrimaha Bani'aadinimada iyo Masiibooyinka Puntlanad. Kulanka waxaa looga hadlay saameynta duufanta GAKTI ee ku dhufatay deeganada Bari ee dowlad gabaleeydka Puntland. Cabdi Casiis Cabdulaahi Axmed oo ah Mamaulka Hay'adaha Gargaarka, Arrimaha Bani'aadnimada iyo Masiibooyinka Puntaland ayaa sheegay in saameyn guud ay ku yeelatay dhul baxaad leh,sida Xaafuun, Isku shuban, Gurdiya, , Baargeele, Boosaaso iyo tuulooyin dhowr kale ah. " Mudane Wasiir Duufta GAKTI waxa ay sababatay geerida 12 ruxu oo 8 Yeman ah iyo Afar Saamli ah, sidoo kale qiyaasaada dadka ay saameysay waa 200 qoys ah sida Xaafuun, Isku shuban, Gurdiya iyo Baargeele, halka Boosaso ay saameyn ku yeelatay Afar boqal oo kun oo Barakacyaal ah, xoolo fara badan oo isugu jira Geel, Ari aye galaafatay Duufunta, dhinaca kale waxa ay jirtay Isgaarsiinta iyo koronta oo dhulka la gashay GAKTI,waxaan ku soo gaarsiinay dhibaata halkaasi ka jirto mudane wasiir marka in gurmad deg deg ah lala gaaro dowlad iyo hay'adaha Gudaha iyo Kuwa Caalamiga ah "ayuu yari Cabdu Casiis. Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka JFS ayaa walaac ka muujiyay xajimiga ay dhuftay duufanta GAKTI deeganada Maamulka Puntland, waxuuna hoosta ka xariiqay ka wasaaradd ahaana ay diyaarinayaa isku dubiridka hay'adaha Gar-gaarka deg-dega ah ee iskugu jira kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu jawaaban xaalada Bani'aadinmo ay ka jirto halkaasi. Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxaa kulanka ku wehliyay Madaxa xafiiska Xalka-waara Zahra Cabdi Maxamed iyo Masuu'iliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda Qorsheynta Maal-gaashiga iyo Horumarumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip