Cumar Filish: "Mas'uuliyada amni ee gobolka anigay i saaran tahay, Hawiye ma ihi miyaa mise duurkaan ka imid"

0
Thursday November 26, 2020 - 19:06:45 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Filish: "Mas'uuliyada amni ee gobolka anigay i saaran tahay, Hawiye ma ihi miyaa mise duurkaan ka imid"

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kulan lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo waxa uu eedeyn kulul u jeediyay Midowga Musharaxiinta oo maanta soo saaray war murtiyeed kulul oo ay ku dalbanayaan in la kala diro guddiga doo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kulan lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo waxa uu eedeyn kulul u jeediyay Midowga Musharaxiinta oo maanta soo saaray war murtiyeed kulul oo ay ku dalbanayaan in la kala diro guddiga doorashooyinka iyo qoddobo kale. Cumar Filish duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladu tanaasul ka sameysay arrimaha doorashooyinka, ayna xaq u leedahay inay magacowdo guddiga doorashooyinka balse aan loogu hanjabi karin beel. "Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Raisul Wasaare Rooble Hawiye maaha miyaa? anigu Gudoomiyihii gobolkaan ahay, gobolkaan masuuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Hawiye maahi miyaa mise duurkaan ka imid" ayuu yiri Cumar Filish. Duqa Muqdisho Cumar Filish oo ka hadlay dhanka amaanka ayaa sheegay inaysan gorgortan gali karin ammaanka caasimada dalka. "Kuma dhici karaan iney qashqashaadaan xasiloonida aanu wada ognahay inta wiil ee nooga dhimatay, ogaada kuwa soo diray ayey u muujinayaan iney u shaqeeyaan, xaqiiqadu waa sidaas, hadii ay isku dayaan iney qalalaase abuuraan ALLE ayaa inoo sheegay talaabta aan ka qaadi laheyn" ayuu sii raaciyay hadalkiisa guddoomiye Cumar Filish. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay odayaal iyo waxgarad kuwaasoo sheegay inay taageersan yihiin dowlada uu hoggaamiyo ra'iisul wasaare Rooble.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip