SAWIRO+Muqaal: Alexis Sanchez Ma Nasasho Ayuu U Baahan Yahay? Sanchez Oo Jamaahiirta Everton Ka Yaabsatay Kadib Markii Uu Kursiga Taaraboonka La Fadhiisatay Ciyaarta Oo Socota

0
Sunday March 20, 2016 - 12:03:35 in Sports News by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO+Muqaal: Alexis Sanchez Ma Nasasho Ayuu U Baahan Yahay? Sanchez Oo Jamaahiirta Everton Ka Yaabsatay Kadib Markii Uu Kursiga Taaraboonka La Fadhiisatay Ciyaarta Oo Socota

    Waxaa soo baxday in xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez u ubaahan yahay in uu nasto kadib markii uu xidigani ka yaabsatay jamaahiirta Everton intii ay socotay kulankii Goodison Park ee ay Arsenal 2:0 guusha ku soo gaadhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxday in xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez u ubaahan yahay in uu nasto kadib markii uu xidigani ka yaabsatay jamaahiirta Everton intii ay socotay kulankii Goodison Park ee ay Arsenal 2:0 guusha ku soo gaadhay.

Sanchez ayaa baacsanayay kubbad u dhawayd koornaha goolka Everton, laakiin Sanchez ayaa hore isku qaban kariwaayay wuxuunta u taraaraxay dhinaca jamaahiirta Everton ay fadhiday balse waxa uu jamaahiirta Everton kaga yaabsaday markii uu taaraboonka jamaahiirta uu iska dhex fadhiistaay isla markaana uu woxogaa ku nastay. Jamaahiirta kooxda martida loo ahaa ee Everton ayaan wax dhib ah u gaysan Sanchez balse taas badalkeeda waxay la kaftameen Sanchez oo u muuqday in uu ka mid noqday daawadayaasha ciyaarta.San2SancechSancech1Sanche1

Alexis Sanchez oo aan gool horyaalka Ingiriiska ah dhalin tan iyo bishii October 2015 ayaan hadda ku jirin qaab ciyaareedkisii ugu fiicnaa, waxaana la dareemayaa in Sanchez uu qaab ciyaareedkiisu hoos udhacay tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawicii ku soo gaadhay kulankii Norwich City.halkan ka daawo muuqaal kooban iyo waqtigii uu Sanchez ka yaabsaday jamaahiirta Everton ee nasashada la qaatay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip