Andres Iniesta Oo Laga Reebay Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Kulanka Villarreal Iyo Luis Enrique Oo Ka Hadlay Xaalada Iniesta

0
Sunday March 20, 2016 - 11:59:55 in Sports News by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Andres Iniesta Oo Laga Reebay Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Kulanka Villarreal Iyo Luis Enrique Oo Ka Hadlay Xaalada Iniesta

    Barcelona ayaa kulanka muhiimka ah ee ay martida u tahay kooxda Villarreal waayi doonta adeega xidiga khadka dhexe eeAndres Iniesta kaas laga reebay liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulankan kadib markii uu dhibaato muruqa ahi ka soo gaadhay kulankii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa kulanka muhiimka ah ee ay martida u tahay kooxda Villarreal waayi doonta adeega xidiga khadka dhexe eeAndres Iniesta kaas laga reebay liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulankan kadib markii uu dhibaato muruqa ahi ka soo gaadhay kulankii lugta labaad ee Camp Nou ku dhex maray kooxaha Barcelona iyo Arsenal.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay Iniesta ayaa badal looga saaray kulankii Arsenal kadib markii uu xanuun ka dareemay muruqa balse markii hore lama filayn in xaaladiisu ay tahay mid uu ku seegi doono kulanka Villarreal oo Balaugrana muhiimad wayn u leh. Barcelona ayaa caawa haysata fursad ay hogaanka La Ligaha ugu qaban karto 11 dhibcood oo saafi ah kadib markii ay kooxda Atletico Madrid guuldaro kala kulantay Sporting Gijon.iniesta-barca-getafe-1457806270116

Waxay u badan tahay in Ivan Rikatic iyo Arda Turan ay ku soo bilaaban doonaan khadka dhexe ee shaxda Luis Enrique inkasta oo uu Sergi Roberto khadka dhexe kula bilaaban karo Rakitic ama Arda Turan. Kulanka El Madrigal ayay Barcelona ka doonaysaa in ay sii ilaashato rekoodheeda guuldaro la’aanta oo ay haddaba ku haysato 38 kulan oo ayna wax guuldaro ah dhadhamin basle kooxda Villarreal ayaa si wayn ugu dagaalamaysa booska Champions Leaque-ga loogu soo baxo ee kaalinta afraad.andres-iniesta-1458304699310

Tababare Luis Enrique oo wax laga waydiiyay xaalada Iniesta ayaa intii aanu liiskan soo saarin sheegay in ay ka warsugi doonaan xaaladiisa isla markaana aanu wax halis ah galin doonin iniesta wuxuuna yidhi: "Iniesta waxa haysata dhibaato aniguna ma doonaho in aan wax halis ah qaato, waxaanu eegi doonaa sida uu ku noqdo tababarka”. Dhibaatada muruqa ee Iniesta ayaa macalinka xulka qaranka Spain eeVicente del Bosque ku qasabtay in uu Iniesta ka reebo liiska xulka qaranka Spain.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip