TANI WAA CADEYN IYO MUCJISO RABAANI AH!!!.

0
Wednesday November 18, 2020 - 21:12:25 in Wararka by
  • Visits: 1322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TANI WAA CADEYN IYO MUCJISO RABAANI AH!!!.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Hooyo 101 sano jir ah oo maanta gabar ku dhashay dalka Norwey.

 
Sida uu qoray warsidahaeavisa.com, Edel Bang Gnugerud oo ah haweenay u dhalatay dalka Norwey da’ ahaana jirta 101 sano ayaa gabar ku dhashay dalkaan maanta oo Talaado.
”tani waxay dhaceysa dhimashadeyda kahor" (101 sano kadib) ayay tiri iyadoo faraxsan xili ay gabadha ku heysay xabadka iyo gacmaheeda islamarkaana ay nuujineyso.
Wargeysku waxa uu sheegay in gabadhu ay caafimaad qabto, isagoo intaa raaciyay in ninka gabadha ka dhalay oo lagu magacaaba Jon-Birger uu 18 sano kayar haweeneydaan, jirana 83 sano.
 
”Waan ku riyaaqaya arintaan, lkn waxaan qabaa in Jon-Birger uu awoodo in ka badan waqtigeyga daryeelka gabadheena” ayay raacisay Edel.
 
Mar ay ka hadleysay sida uu nasiibkeedu u wanaagsanyahay ayay soo hadal qaaday in ay horay ugu guuleysatay lacag 12 milyan oo Karoonka wadankaan ah kadib markii ay ka qeyb qadatay barnaamij nasiib tijaabin ah.
 
In haweeney ay da’da 101 sano ku dhasho waxa ay qeyb ka noqoneysa mucjisooyinka Illaah SWT umadiisa ugu cadeynayo in uu wax weliba awoodo, yahayna bixiyaha xiliga uu doono.
 
NB:- inkasta oo aan warbixintaan ka qoray wargeyska hoos ku qoran hadana ma jiro wargeysyo kale oo dalka ah kuwaas oo arintaani wax ka qoray.
 
Mohamed Abdi Nahar



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip