Ilhaan Cumar Oo War Kulul Kasoo Saartay Tallaabo Ay Qaaday Israa'iil

0
Monday November 09, 2020 - 08:34:18 in Wararka by
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar Oo War Kulul Kasoo Saartay Tallaabo Ay Qaaday Israa'iil

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska dalka Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay tilaabooyin burburin ah oo dowladda Israa'iil ay maalmihii dambe ka waday dhul ay xoog uga heysato Falastiin. Qoraal ay soo saartay Ilhaan C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska dalka Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay tilaabooyin burburin ah oo dowladda Israa'iil ay maalmihii dambe ka waday dhul ay xoog uga heysato Falastiin. Qoraal ay soo saartay Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay ku sheegtay in Israa'iil ay wado xad-gudub weyn oo dhambi ah ayna ku burburineyso guryo ay leeyihiin dad rayid ah, isla markaana xoog ku heysto, kuwaasi oo ku yaalla daanta Galbeed.

           Waxaa ay sheegtay Ilhaan Cumar inay aad uga xun tahay tallaabada ay qaadeen Ciidanka Israa’iil oo ay ku burburiyeen guryihii ay daganaayeen dadkii Falastiiniyiinta ahaa, iyadoona Cambaareysay arrintaas.

             Sidoo kale Xildhibaanad Ilhaan oo ah Haweeney Soomaali ah ayaa tilmaamtay in haddii Mareykanka ka aamiso tallaada ay wadaan Yuhuuda ay noqoneyso mid uu uga qeyb qaadanayo dambiyada caalamiga ah ee la galayo.

"Waxa socda waa xad gudub weyn oo dambi ah haddii Maraykanku ka aamiso waxay la mid noqoneysaa iney ka qeyb qaadaneyso dambiyada caalamiga ah ee la galayo.” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo qoraal soo saartay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip