Xog: Maxaad kala socotaa xaaladda siyaasadeed ee dalka uu ku sugan yahay?

0
Monday November 09, 2020 - 07:20:47 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Maxaad kala socotaa xaaladda siyaasadeed ee dalka uu ku sugan yahay?

    Waxaa sii adkaaneysa xaaladda siyaasadeed, mida amni iyo tan dhaqaale ee Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay billawgii sanadkaan iyo ka sii hor. Soomaaliya oo waligeed qabtay daruufo dhanka amaanka ah iyo daganaansho la'aan siyaasadeed ayaa ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii adkaaneysa xaaladda siyaasadeed, mida amni iyo tan dhaqaale ee Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay billawgii sanadkaan iyo ka sii hor. Soomaaliya oo waligeed qabtay daruufo dhanka amaanka ah iyo daganaansho la'aan siyaasadeed ayaa hadda gashay xaalado kale oo aad u adag. Waxaa aad usii xoogeestay doodaha ku taagan waqtiga kala-guurka ah, gaar ahaan arrimaha gudiyada doorashada ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Xisbiyada, siyaasiinta, iyo qeybaha bulshada ayaa muujiyay walaac xoog leh waxayna carrabka ku adkeeyeen in xaalad adag lugta la saaray. Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya ayaa shalay baaq ay soo saareen ku sheegay in dalka loo wado jiho aan wanaagsaneen oo sababi karta dib u dhac iyo kubasho doorasho.

"Waxaa laga baxay heshiisyadii doorashada laga gaaray bilooyinkii la soo dhaafay, waxaa sidoo kale la jebiyay xeerarkii dalka, waxaana magacaabista guddiyada ka muuqato boob iyo kushubasho mana ahan wax la yeeli karo,” ayuu yiri Cusmaan Muxiydiin Shaatax, oo ah guddomiyaha ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle, ayaa si wadajir ah u sheegay in qaabka loo maray guddiyada doorashada ay tahay waddo aan fiicneen oo keeni karta bur bur iyo kalsooni la’aan weyn.

"Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan NISA, shaqaalihii madaxtooyada iyo taageerayaashii Farmaajo ee baraha bulshada ayaa loo magacaabay guddiyada heerarka kala duwan ee doorashada mana ahan wax loo dulqaadan karo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal soo saaray.

"Waa calaamad muujineyso isku kalsoonaan la’aan laguna rabo boob iyo kushubasho waxaana ka dhalan kara in la wiiqo wixii la soo dhoo-dhoobay 20-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yari Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo sidoo kale ah musharax Madaxweyne ee doorashada Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kamid ah dhinacyada ka hadlay doorashada Soomaaliya waxayna aad u cabaareeyeen guddiyada la soo magaacaabay ee doorashada Soomaaliya. Madasha ayaa ku talisay in dib loogu laabto gudiyadaan haddii ay dhici weysana aysan jirin cid ku kalsoonaan karta oo doorashada ka qeyb galeysa.

Qeyla dhaanta ugu weyn ayaa waxay ka imaaneysaa guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi. "Shaqaalihii Madaxtooyada, kuwa Ra’iisul Wasaaraha iyo saraakiil ka tirsan NISA, ayaa loo soo magacaabay gudiga dooarshada gobalada Waqooyi mana matalaan dadka aan wakiilka ka ahay,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Dhinaca kale, waxaa aad usii xumaanaya ammaanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dadka dagan ka joogi la’yihiin dhul boob, barakicin, dhac joogto ah, cabsi gelin iyo dhibaatooyin kale.

Qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir ayaa wajahaya amni darro weyn waxaana ka jira kufsi iyo dhibaatooyin badan sida shalay laga sheegay fadhiga Golaha Shacabka.

"Covid-19 waxa uu sababay kufsi badan, dhac joogto iyo dhibaatooyin dhaqaalo xumo oo aad dalka u sameeyay ilaa haddana taagan ,"ayey shalay fadhiga baarlamaanka ka dhaheen xubno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Si walbaba waxaa aad u adag xaaladda dalka oo gaartay waqti cabsi badan muujinayaan siyaasiinta, weriyaasha, guud ahaan shacabka. Dadka Soomaaliyeed ayaa inbadan oo kamid ah la dhacsaneen xaaladda wadanka iyo sida ay wax uwado dowladda Soomaaliya.

Xigasho:-caasimadda.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip