Dad isu qoys ahaa oo caawa lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

0
Sunday November 08, 2020 - 22:26:32 in Wararka by
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad isu qoys ahaa oo caawa lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

    Dabley hubeysan ayaa caawa toogasho ku dilay saddex qof oo isu qoys ahaa, duleedka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Dableyda ayaa deegaanka Fila-dheere ku dishay hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay. Carruurta mid ka mida waxa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley hubeysan ayaa caawa toogasho ku dilay saddex qof oo isu qoys ahaa, duleedka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Dableyda ayaa deegaanka Fila-dheere ku dishay hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay. Carruurta mid ka mida waxa uu jiray maalmo, halka kan kalana uu saddex jir ahaa. Sidoo kale dableyda ayaa la sheegay inay rasaas huwiyeen hooyo kale iyo wiil ay dhashay, iyagoona goobtaasi uga tagay meyd ahaan, balse dib laga ogaaday inay dhaawac yihiin, inkastoo ay xaaladoodu garaab tahay.

Dableydii weerarka gaysatay oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa la soo sheegaya in ay ka baxsadeen goobtaasi,

Dadka deegaanka ayaa daqiiqado ka dib u gurmaday qoyskii uu dhibku gaaray, iyadoona caawa xaalad kacsanaan ahi laga dareemayo deegaankaasi.

Inkastoo aanay Masuuliyiinta Hirshabelle weli ka hadlin dhacdadaasi iyo waxa keenayba ayaa waxaa hadana soo baxaya in dilka dadkaasi uu la xiriiro aanooyinka xagga beelaha.

17-kii bishii September ayay ahayd markii lix qof oo Culimo u badnaa lagu laayay deegaan hoos-tagga Degmada Raageceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip