Xisbigii Ugu Horreeyay Oo Taageeray Guddiyada Doorashooyinka Ee 2020/21

0
Sunday November 08, 2020 - 22:13:17 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbigii Ugu Horreeyay Oo Taageeray Guddiyada Doorashooyinka Ee 2020/21

    Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay. Qoraal kasoo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Horuma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay. Qoraal kasoo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashada ee 2020/2021, wuxuuna Xisbiga ku baaqay in si deg deg ah loo guda-galo Arrimaha doorashada, lana fuliyo Jadwadkii lagu heshiiyay. Sidoo kale Qoraalka Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in diidmada lagala horyimid Guddiga Doorashooyinka ay keeni karto qalalaaso gala diyaar garoowga Doorashada dalka ka dhaceysa. Waxaa kaloo Xisbiga Muungaab ku tilmaamay diidmada Guddiyada doorashada inay keento dib u dhac ku yimaada Doorashada, isla markaana sababta muddo kororsi ay sameeyaan Madaxda dowladda. Qoraalka Xisbiga Muungaab ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Madasha xisbiyada Qaran iyo xubno kale ay kasoo horjeeysteen Guddiyada Doorashada ee la magacaabay, iyagoona ku sheegay in xubno ka tirsan Guddiyada kamid yihiin Hay'adda NISA.Ugu dambeyn Cadaaladda iyo Horumarka ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in Madaxda talada dalka heysa xiliyada Doorashooyinka marka la gaaro ay saameyn ku yeelato Guddiyada Doorashada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Muungaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip