Azerbaijan oo guul weyn ka gaartay dagaalka Armenia iyo wararkii ugu dambeeyey

0
Sunday November 08, 2020 - 22:08:05 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Azerbaijan oo guul weyn ka gaartay dagaalka Armenia iyo wararkii ugu dambeeyey

    Dadka reer Azerbaijan ayaa ku dabaaldegay jidadka magaalada caasimadda ah ee Baku kadib markii Madaxweyne Ilham Aliyev uu Axadda maanta ah sheegay in ciidamada dalkiisu ay qabsadeen Shusha, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Nagorno-Karabakh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka reer Azerbaijan ayaa ku dabaaldegay jidadka magaalada caasimadda ah ee Baku kadib markii Madaxweyne Ilham Aliyev uu Axadda maanta ah sheegay in ciidamada dalkiisu ay qabsadeen Shusha, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Nagorno-Karabakh. Shusha, oo ay Armeniyiinta ugu yeeraan Shushi, waxa ay labada dhinacba u leedahay muhiimad dhaqameed iyo mid istiraatiiji ah waxayna ku taal meel 15 km (9 mayl) koonfur ka xigta magaalada ugu weyn ee gobolka ee Stepanakert. Saraakiisha Armenia waa ay beeniyeen in magaalada la qabsaday. Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintey ku dhowaad lix toddobaad oo dagaal uu ka socdo gobolka Nagorno-Karabakh iyo hareerahiisa, oo ah dhul buuraley ah oo caalamku u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan laakiin ay ku nool yihiin ayna xukumaan qowmiyadda Armenia. Iyadoo taageero ka heleysa Turkey, Azerbaijan ayaa ku gacan sareysay dagaalkii ugu dhiig daadashada badnaa in ka badan 25 sano ee ka dhaca gobolkan Koonfurta Caucasus. Muddo bil gudaheed ah, waxa ay dib ula wareegtay inta badan dhul ku yaalla Nagorno-Karabakh iyo nawaaxigiisa ee ay ku wayday dagaalladii hore ee ka dhacay aagaas 1990-yadii.

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip