Itoobiya oo sheegtay inay qabatay Somali ka qeyb qaadaneysay dagaalka degaanka Tigreega

0
Sunday November 08, 2020 - 21:51:33 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo sheegtay inay qabatay Somali ka qeyb qaadaneysay dagaalka degaanka Tigreega

    Taliye ku xigeenka Ciidamada Federaalka itoobiya ahna Madaxa howlgallada Ciidamada Gaashaandhiga dalkaas ,Janeraal Birhanu Jula ayaa sheegay inay Ciidamada ay degaano kala wareegeen Ciidamada xagjiriinta TPLF oo ay kula dagaalamayaan degaannada Tigr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye ku xigeenka Ciidamada Federaalka itoobiya ahna Madaxa howlgallada Ciidamada Gaashaandhiga dalkaas ,Janeraal Birhanu Jula ayaa sheegay inay Ciidamada ay degaano kala wareegeen Ciidamada xagjiriinta TPLF oo ay kula dagaalamayaan degaannada Tigreega. Waxaa uu sheegay in ay kamid yihiin degaannada ay la wareegeen yihiin Dhanshan,Barkan, ilaa Shiraaro, degaannadaas oo ay gacanta horay ugu haayeen Ciidamo ka tirsan Kooxda TPLF. Janeraal Birhanu Jula oo la hadlay Wargayska Addis Zemen ayaa sheegay inay dagaalka ku qabteen Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ka dhisan ee liyuu Boolis & maleeshiyaad kale. Ugu dambeyn Taliye ku xigeenka Ciidamada Federaalka itoobiya ahna Madaxa howlgallada Ciidamada Gaashaandhiga dalkaas ,Janeraal Birhanu Jula waxaa uu sheegay in Ciidamada federaalka Itoobiya inay burburiyeen hub culculus oo kooxdu gacanta ku haysay, isla markaana ay ku dadaalayaan in Shacabka deegaanka Tigreega in aysan dhibaato kasoo gaarin tallaabooyinka laga qaadayo kooxda xagjirka ah ee TPLF. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip