Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada Muqdisho oo kulan yeeshay

0
Sunday November 08, 2020 - 20:19:48 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada Muqdisho oo kulan yeeshay

    Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo u kuur-galaaya xaaladda ganacsat ada ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan aad u ballaadhan la qaatay ganacsatada kala duwan ka hawl-gas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo u kuur-galaaya xaaladda ganacsat ada ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan aad u ballaadhan la qaatay ganacsatada kala duwan ka hawl-gasha dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

             Wasiirka oo kulankiisa oo ay ku wehelinayeen wasiiru-dawlaha wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekh’unaa Maye, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cali Maxamed Sh. Bagadi, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

       Kulanka oo ujeedkiisu ahaa siddii wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya uu xog-oggaal ugu noqon lahaa sidoo kale na ugu kuur-geli lahaa xaaladaha iyo duruufaha ay qabaan ganacsatada kala duwan ee wadanka, ayaa waxay ganacsatadu sheegeen in ganacs iga wadanku uu maanta meel fiican maraayo isla-mar-ahaantaana ay ka ganacsato ahaan door weyn ay ka qaataan shaqo abuurka iyo guud ahaan horumarka wadanka. Iyaga oo xusay in sidoo kale na ay jiraan caqabado soo waajaha ganacsatada oo u baahan in si wada-jir ah wax loogga qabto.

               Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadah xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in uu ganacsatada uga mahad-celinaayo kaalintaas muuqata ay kaga jiraan horumarka Soomaaliya, waxaana uu xusay loo baahan yahay in ganacsatada iyo dawladdu ba ay mar walba iska kaashadaan horumarka dalka sidoo kale na ay ka Wasaarad ahaan dadaal ugu jiraan siddii loo horumarin lahaa ganacsatada iyada oo wax laga qabanaayo caqabadaha jira iyo cabashooyinka ay halkaas ku soo gudbiyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip