Wafdi ka socda dowladda Kenya oo Muqdisho u yimid hagaajinta xiriirka labada dal

0
Sunday November 08, 2020 - 19:59:46 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda dowladda Kenya oo Muqdisho u yimid hagaajinta xiriirka labada dal

    Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau iyo wafdi la socda ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Muqdisho. Booqashada wafdigan oo aheyd hal maalin ayaa la kulmay Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau iyo wafdi la socda ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Muqdisho. Booqashada wafdigan oo aheyd hal maalin ayaa la kulmay Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaj, Xog-hayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wafdigan ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo hannaanka loo horumarin karo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo muddooyinkii u dambeeyay xiriirkooda xumaa.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay billowgii 2018, waxaana jiray hadallo kulul oo dowladda Soomaaliya warbaahinta u marisay Kenya oo salka ku hayey faragelinta Kenya ay ka waddo Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip