Madaxda Caalamka oo ka falcelisay guusha uu Joe Biden ka gaaray doorashada Mareykanka

0
Sunday November 08, 2020 - 19:25:30 in Wararka by
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Caalamka oo ka falcelisay guusha uu Joe Biden ka gaaray doorashada Mareykanka

    Madaxda adduunka ayaa ka falcelisay natiijada doorashada Mareykanka iyaga oo dhambaallo hanbalyo ah u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden iyo ku xigeenkiisa. Ra'iisul Wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa dhanbaal Hanb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda adduunka ayaa ka falcelisay natiijada doorashada Mareykanka iyaga oo dhambaallo hanbalyo ah u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden iyo ku xigeenkiisa. Ra'iisul Wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa dhanbaal Hanbalyo ah u diray Joe Biden iyo Kamala Harris isaga oo ballan qaaday inuu madaxda la doortay kala shaqeyn doona xal u helidda caqabadda ugu weyn ee ay dunidu wajaheyso.

            Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Marwo Angel Markel ayaa sidoo kale tahniyada u dirtay madaxda la doortay ee Mareykanka iyada oo dhanbaalkeedana ku xustay in xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Jarmalka iyo Mareykanka aan wax loo dhigi jirin.

                 Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Borris Johnson ayaa dhankiisa Hanbalyo u diray Joe Biden iyo Kamala Harris wax uu sheegay in Mareykanku uu yahay saaxiibka ugu weyn ee uu leeyahay Ingiriiska waxa uuna intaas ku daray inuu kala shaqeyn doono arrimaha muhiimadda u leh xiriirka labada dal ee uu ugu horreeyo Isbedelka Cimilada, Ganacsiga iyo Ammaanka.

                Ra’iisul Wasaaraha Japan Yoshihida Suga ayaa dhankiisa hanbalyeeyay Joe Biden wuxuuna ballan qaaday inuu Ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal uuna adkeyn doono Nabadda, Xoriyadda iyo Barwaaqeynta gobolka iyo caalamkaba.

               Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan iyo guud madaxda dowladaha Aduunka ayaa hanbalyeeyay Shacabka Mareykanka iyo Madaxda ay doorteen.

            Joe Biden iyo Kamal Harris ayaa ku guuleysatay doorashada Mareykanka waxayna xilka la wareegi doonaan bisha January ee sanadka soo socda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip