Wasiirka Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar

0
Sunday November 08, 2020 - 19:18:15 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar

    Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gaartay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gaartay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabeelle, Mas’uuliyiin,ururada Bulshada rayidka ah Bahda Barbaarta gaashaaman ayaa magaalada ku soo dhoweeyay Wasiir Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

               Wasiir Khadiijiyo Maxamed Diiriye oo soo dhoweyn kadib la hadashay warbaahinta ayaa ku sheegtay ujeedka ay u timid Jowhar iney tahay ka qeyb galka Doorashooyinka maamulka Hirshabeelle oo heer gabo-gabo ah maraya.


                 Sidoo kale, Wasiirka Garagaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday iney si dhow ula socoto Xaaladaha fatahaadaha ee ka jira deegaanada Hirshabeelle wax badana ay ka qaban doonaan.

            Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ayaa deegaan doorashadeeda waxa uu yahay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle,sidoo kale waxaa hore ugu sugnaa magaalada Jowha qaar ka mid ah xildhibaanada deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Jowhar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip