Saddex qodob oo aad uga adkaan karto walaaca iyo walbahaarka

0
Sunday November 08, 2020 - 18:52:51 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex qodob oo aad uga adkaan karto walaaca iyo walbahaarka

    Noloshu waxay ku wanaagsantahay caafimaad qab, haddii aad dareemeyso in badqabkaaga maskaxeed ay wax ka qaldanyihiin mararka qaar waxaa jira tallaabooyin Seynisku taageeray oo aad uga fogaan karto walaaca iyo walbahaarka umana baahnid inaad hesho war

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Noloshu waxay ku wanaagsantahay caafimaad qab, haddii aad dareemeyso in badqabkaaga maskaxeed ay wax ka qaldanyihiin mararka qaar waxaa jira tallaabooyin Seynisku taageeray oo aad uga fogaan karto walaaca iyo walbahaarka umana baahnid inaad hesho warqad dhaqtar si aad u sameyso. Tallaabooyinkaas oo aan ku soo koobi doonno 3-daan qodob:
1.Samee jimcsi kugu filan

Haddii aad rabto inaad doorato xulato kan ugu fiican ee aad ku hagaajin karto badqabkaaga maskaxeed iyo jireedba dooro jimcsiga joogtada ah.


Seynisyahannadu waxa ay rumeysanyihiin in jimcsigu sare u qaado wareegga dhiigga ee maskaxda.

2. Diiradda saar hurdada

Qodobkan ayaa ah mid ku xiran ka hore ee jimcsiga, oo mar walba aad sameyso jimcsi kugu filan waxaad heli doontaa hurdo raaxo leh oo kugu filan, haddii uu jiro walaac joogto ah ku dadaal inaad seexato waqti kugu filan.

Ogow tani loolama jeedo hurdo xad dhaaf ah kaliya waa in macquul ah oo ku filan maskxdaada iyo jirkaaga.

3. Neefso si qoto dheer

Inaad qaadato Ooksijiin una neefsato si deggan waa arrin cajiib ah oo hagaajin karta caafimaadka maskaxdeena, islamarkaana meesha ka saari karta walaaca iyo walbahaarka, sida ay qabaan khubarrada caafimaadku
"Barashada shaqada neefsashadu waxay ku ogeysiinaysaa inaad awood u leedahay inaad jir ahaan isdejiso,” ayay tiri Dr. Cynthia Ackrill, oo ah tifaftiraha majaladda Contentment, oo uu soo saaro machadka American Stress.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip