Madaxweynihii Gobolka Amxaarada oo iscasilay

0
Sunday November 08, 2020 - 18:33:47 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Gobolka Amxaarada oo iscasilay

    Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madax weynihii Ismaamulka Amxaarada Temesgen Tiruneh uu iscasilay. Sida ay baahisay wakaaladda wararka Qaranka Itoobiya ee EBC, Temesgen Tiruneh ayaa warqadiisa istiqaalada u gudbiyay Baarlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madax weynihii Ismaamulka Amxaarada Temesgen Tiruneh uu iscasilay. Sida ay baahisay wakaaladda wararka Qaranka Itoobiya ee EBC, Temesgen Tiruneh ayaa warqadiisa istiqaalada u gudbiyay Baarlamaanka Ismaamulka Amxaarada. Kulan Degdeg ah oo yeesheen Baarlamaanka Maamul Goboleedka Amxaarada ayuu ku aqbalay istiqaalada Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada.

Wakaaladda Wararka Qaranka Itoobiya ayaa shaacisay in madaxii Xisbiga Barwaaqada Itoobiya u qaabilsanaa Maamul Goboleedka Amxaarada Agegnehu Teshager loo dhaariyay inuu bedelo hoggaamiyaha xilka ka dagaya Temesgen Tiruneh.

Temesgen Tiruneh oo hore ahaan jiray lataliyihii amniga qaranka Ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa qabtay xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Amxaarada bishii July ee sanadkii hore ilaa hadana lama shaacin sababta ka danbeysa iscasilaaddiisa.

Temesgen Tiruneh ayaa ka hor inta uusan noqon la taliya amniga ee Abiy Axmed waxaa bishii Abriil ee sanadkii 2018 loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Shabakadaha Isgaarsiinta Itoobiya ee INSA.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip