Weeraro Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Xalay Ka Dhacay Galgaduud

0
Sunday November 08, 2020 - 08:29:25 in Wararka by
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Xalay Ka Dhacay Galgaduud

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay duleedka barri ee deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo geysteen rag maleeshiyaad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay duleedka barri ee deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo geysteen rag maleeshiyaad ah.

Weerarkan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii rag hubeysan ay ka shakiyeen laba dumar ah oo ku sugnaa hoy ay deganaayeen, iyagoona rasaas dhowr ah ku furay, waxaana halkaas dhaawac culus ku gaaray labadii dumarka ahaa.

Dhalinyaro ku sugnaa meel ku dhow goobta uu falku ka dhacay oo maqlay dhawaqa rasaasta ayaa tegay goobta, iyagoona durbo gaari kusoo qaaday dhaawacyada dumarka, iyagoona u qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Cadaado.

Sidoo kale gaariga dhaawacyada lagu waday oo ku socday xawaare sare ayaa waxaa wadada u galay rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, waxaana halkaas ku geeriyooday mid kamid ah dumarkii dhaawac ahaan loo qaaday iyo Nin la socday gaariga.

Waxaa kaloo weerarka rasaasta ee gaariga lagu furay ku dhaawacmay laba rag oo kamid ahaa dadkii dumarka u qaaday Isbitaalka, iyadoona goobta ay ka baxsadeen maleeshiyaadkii hubeysnaa ee weerarada geystay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ka jiray xiisad u dhexeeeysa laba maleeshiyo beeleed, kadib markii dhawaan halkaas lagu dilay dad shacab ah, iyadoo falalkii xalay iyo horey u dhacay yihiin aano qabiil

Maamulka Galmudug ayaa weli wax war ah kasoo saarin weeraradii xalay mar kale ka dhacauy Gobolka Galagduud, waxaana Gobolkaas uu u muuqaa mid ku soo laab-laabtay weerarada iyo dilalka la xiriira qabaa’ilka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip