Maxay Tahay Sababta Ay Somaliland U Mamnuucday Gaadiidka Vits-Ta?

0
Saturday November 07, 2020 - 20:51:20 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Sababta Ay Somaliland U Mamnuucday Gaadiidka Vits-Ta?

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Xukuumadda Somaliland ayaa deegaanadeeda ka mamuucday isticmaalka gaadiidka yar-yar ee nooca raaxada ah ee loo yaqaano Vits-ta, kaasi oo dadka shacabka ah ay siweyn gudaha Magaalada Hargeysa uga isticmaalan.

           Wasiirka Gaadiidka Somaliland Cabdullaahi Abuukar oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu u sheegay in sababaha ay u joojiyeen gaadiidka Vitz-ta ay ugu weyn tahay dhinaca Ammaanka iyo shilalkooda oo badan.



           Wasiirka Abuukar waxaa uu sheegay in aan weli si rasmi ah loo joojin ee la siin doono muddo si kuwa Maraakiibta soo saaran u soo gaaran gudaha Somaliland, kadibna aan la isticmaali doonin.

         Ugu dambeyn Wasiirka Gaadiidka Somaliland ayaa tilmaamay in gaadiidka hadda ka shaqeya gudaha deegaanadooda aan saamayn ku yeelan doonin go’aanka isteeranka (shokaanta) lagaga bedelayo Gaadiidka Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip