Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Shaaciyay

0
Saturday November 07, 2020 - 18:42:40 in Wararka by
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Shaaciyay

    Guddiga Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa Maanta oo sabti ah soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo maalmaha soo socda la qabanayo. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddiga Doorashad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa Maanta oo sabti ah soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo maalmaha soo socda la qabanayo. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Hirshabeeelle iyo ku-xigeenkiisa ay bilaabaneyso 8-da ilaa iyo 9 bishaan November. Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Musharaxiinta Isdiiwaan-gelisa ay khudbahooda ku aadan waxa ay qaban doonaan markii la doorto ay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka u jeedin doonaa 10-ka November 2020. Ugu dambeyn Qoraalka Guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ay dhici doonto 11-ka bishaan oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota. Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, waxaana Musharixiinta xilalkaas u tartamaya ay wadaan kulamo siyaasadeed. Hoos ka Akhriso Akhriso Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray.

 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip