Gobolka Banaadir oo wali wadda dadaallada biyaha looga qaadayo wadooyinka

0
Saturday November 07, 2020 - 08:31:01 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolka Banaadir oo wali wadda dadaallada biyaha looga qaadayo wadooyinka

    Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Md. Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa soo kormeeray wadooyinka waa-weyn ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay saameyn ku yeeshay biyo-dhiga Roobabk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Md. Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa soo kormeeray wadooyinka waa-weyn ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay saameyn ku yeeshay biyo-dhiga Roobabkii ka da'ay Muqdisho, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir ay dib wadooyinkaasi ugu soo celiyeen isu-socodkii caadiga ahaa kadib markii laga dhuray biyihii halkaasi yaalay.

Wadooyinka Caawa uu booqday Kusimaha ayaa waxa ay kala ahaayeen Wadada weyn ee xiriirisa Dekkada Muqdisho illaa KM4, Wadada Xiriirisa KM4 illaa Airporka Muqdisho, Wadada Ceel Qalow ee Degmada Wadajir iyo Wadada Daalo ee Degmada Howlwadaag, kuwaasi oo hada isu-socodkoodu caadi kusoo noqday iyadoona hada ay shaqo ka socoto wadooyin kale oo ay biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Caasimada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta u sheegay in ka-sakow biyo qaadista ay Magaalada ka wadaan Maamulka Gobolka Banaadir, sidoo kale ay socoto in loo gurmado dadka danta yar ee dhibaatooyinka kasoo gaareen roobabkii ka da’ay Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip