Al-Shabaab Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayen Ciidamo

0
Saturday November 07, 2020 - 08:17:51 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayen Ciidamo

    Wararka aan ka heleyno Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Kenya iyo Al-shabaab. Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Kenya iyo Al-shabaab. Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin Ceel-waaq, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka, intaas kadibna ay maqlayeen rasaas dhow daqiiqo socotay oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen labada dhinac, wallow markii dambe istaagtay.

Wararka ayaa intaas kusii jira in uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkii dhacay, waxaana xaaladda Magaalada Ceel-waaq saakay ay tahay mid deggan, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

      Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerarro kala duwan oo geystay khasaaro ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, waxaana sidoo kalena xusid mudan in dagaallo ay dhexmareen labada dhinac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip