Ammaanka Musharrax Joe Biden oo la adkeynayo

0
Friday November 06, 2020 - 19:32:18 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanka Musharrax Joe Biden oo la adkeynayo

    Wargeyska caanka ee Washington Post ayaa saakay daabacay war sheegaya in Waaxda Sirdoonka Mareykanka ee loo yiqaano "The Secret Service" ay qorsheynayaan in ay ilaalo gaar ah u diraan musharaxa Madaxweyne Joe oo loo maleynayo in uu ku guule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska caanka ee Washington Post ayaa saakay daabacay war sheegaya in Waaxda Sirdoonka Mareykanka ee loo yiqaano "The Secret Service" ay qorsheynayaan in ay ilaalo gaar ah u diraan musharaxa Madaxweyne Joe oo loo maleynayo in uu ku guuleysto tartanka uu ugu jiro qabashada xilka Madaxweynaha Mareykanka. Labo qof oo aqoon u leh howlaha Waaxda Ammaanka oo ay Washington Post soo xigatay ayaa sheegay in ciidamo ilaalo ah loo dirayo magaalada Wilmington ee gobolka Delaware halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka Joe Biden oo haatan qarka u saaran inuu ku guuleysto tartanka madaxtinimada Mareykanka. Waaxda Ammaanka ayaa u yeeray qaar kamid ah wakiillada qaabilsan ilaalalada madaxda si loogu daro ilaalada musharrax Joe Biden loona adkeeyo ammaankiisa. Joe Biden ayaa la filayaa in maanta oo Jimce ah uu khudbad jeediyo isaga oo ka hadli doona xaaladda doorashada daba dheeraatay oo illaa maalinkii sadexaad aanan la aqoonin cid ku guuleysatay. Waxaa weli socota tirinta codadka waxaana illaa iyo haatan doorashada hoggaaminaya doorashada Joe Biden. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip