Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo la fasaxay mudda saddex maalmood ah

0
Friday November 06, 2020 - 19:30:54 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo la fasaxay mudda saddex maalmood ah

    Mudanayaasha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa fasax la geliyay mudda saddex maalmood ah, si ay u soo akhriyaan Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay Golaha u gudbisay Wasaaradda warfaafinta. Guddoonka Baarlamanka, ayaa xildhibaannada ku warg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa fasax la geliyay mudda saddex maalmood ah, si ay u soo akhriyaan Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay Golaha u gudbisay Wasaaradda warfaafinta. Guddoonka Baarlamanka, ayaa xildhibaannada ku wargeliyay, in ay fasax yihiin mudda saddex maalmood ah laga bilaabo Khamiistii shalay, islamarkaana ay dib isugu soo laabtaan maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda. Mudane ka tirsan Baarlamanka, oo si kooban ula hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in Xildhibaannada loo fasaxay, si ay wakhti ku filan ugu helaan akhrinta Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo dhowaan loo gudbiyay, ka hor inta aysan ansixin Xeerka. Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo horyaalla Golaha Baarlamanka, ayaa la filaya in Xildhibaannadu dood ka yeeshaan Isniinta soo socota, kadib markii soo akhriyaan saddexda maalmood oo fasaxa la geliyay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip