Joe Biden oo la wareegay hoggaanka tirinta codadka gobolka Pennsylvania

0
Friday November 06, 2020 - 19:25:03 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joe Biden oo la wareegay hoggaanka tirinta codadka gobolka Pennsylvania

    Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa qabtay hoggaanka tirada codadka gobolka muhiimka ee Pennsylvania, waxaana iska cad inuu noqon doono madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka. Gobolkan ayaa leh 20 cod oo ka mid ah kuwa loo yaqaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa qabtay hoggaanka tirada codadka gobolka muhiimka ee Pennsylvania, waxaana iska cad inuu noqon doono madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka. Gobolkan ayaa leh 20 cod oo ka mid ah kuwa loo yaqaan Electroral Collage ee lagu hanto xilka madaxweynaha, wuxuuna ku filan yahay inuu Biden ka dhigo madaxweyne. Biden ayaa hadda leh 253 cod, wuxuuna gobolka gaarsiin doonaa 273. Musharaxa madaxweynaha noqonaya ayaa u baahan 270. Tani macnaheedu wuxuu yahay in Biden uusan u baahneyn gobollada kale ee aan weli go'aanka laga gaarin. Gobolka Pennsylvania ayaa waxaa weli ku harsan codad u badan kuwa Dimoqraadiga, waxaana la filayaa in Biden uu badankood ku guuleysto, taasi oo ka dhigeysa inaysan jirin rajo uu Trump ugu guuleysan karo gobolkan. Qabashada hoggaanka Pennsylvania ayaa macnaheedu yahay in Rajada Donald Trump ee doorashada madaxweynaha Mareykanka ay dhammaatay, waxaana kasoo xirmaya albaab kasta oo fursad ah, ayada oo ay u badan tahay in maanta doorashada lagu kala baxo. Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo Trump la loolamaya, ayaa goor sii horreysay si lama filaan ah u qabtay hoggaanka codadka gobolka Georgia, taasi oo aan marnaba la fileyn ka hor doorashada. Gobolada aan weli la go'aamin ayaa kala ah; North Carolina oo uu hoggaaminayo Trump, iyo Pennsylvania, Arizona iyo Nevada oo uu ku horreeyo Joe Biden. Gobolka Pennsylvania waa gobolka uu ku dhashay Joe Biden, gaar ahaan magaalada Scranton. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip