Ra'iisul Wasaare Rooble oo Kormeeray xerada tababarka Ciidanka ee TurkSom

0
Friday November 06, 2020 - 19:23:22 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo Kormeeray xerada tababarka Ciidanka ee TurkSom

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tagey xerada tababarka Ciidanka ee TurkSom, isagoo ku boggaadiyay Saraakiisha Turkiga tababarka ay siinayaan Ciidamadda. Ra'iisul Wasaare Rooble oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tagey xerada tababarka Ciidanka ee TurkSom, isagoo ku boggaadiyay Saraakiisha Turkiga tababarka ay siinayaan Ciidamadda. Ra'iisul Wasaare Rooble oo kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta ayaa ku tilmaamay ciidamadda ka soo baxa qeybaha tababarka ee kuliyaddan rajada iyo tusaalaha dib-u-dhiska ciidammada iyo dib-u-soo celinta dowladnimada, sharciga iyo kala dambeynta Soomaaliya. "Soomaaliya waxay u baahan tahay ciidan xooggan oo ka difaaca cadowga, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanku idiin qabo, Waxaa dhammaanteen naga go'an inaan difaacno diinta, dalka, dadka iyo dowladda, Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Turkiga kaalinta weyn ee ay ka qaadanayso dhismaha iyo soo celinta ciidankii Soomaaliya" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Rooble.



 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip