Abiy Ahmed oo war is-beddel ah kasoo saaray dagaalka gobolka Tigray-ga

0
Friday November 06, 2020 - 19:18:26 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Ahmed oo war is-beddel ah kasoo saaray dagaalka gobolka Tigray-ga

    Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta isku dayey inuu hoos u dhigo cabsida laga qabo dagaal lagu hoobto oo ka dhaca gobolka Tigray ee dalkaas, oo ciidamada militariga ay howlgal ka billaabeen. Abiy ayaa sheegay in howlgalka milit

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta isku dayey inuu hoos u dhigo cabsida laga qabo dagaal lagu hoobto oo ka dhaca gobolka Tigray ee dalkaas, oo ciidamada militariga ay howlgal ka billaabeen. Abiy ayaa sheegay in howlgalka militari ee gobolka Tigray uu leeyahay ujeedooyin xaddidan. "Howlgallada ciidamada difaaca federaalka ee ka socda waqooyiga Ethiopia waxay leeyihiin hadafyo kooban oo lagu guuleysan karo – in lasoo celiyo amarka iyo kala dambeynta dastuuriga ah, lana ilaaliyo xuquuqda dadka Ethiopia ee ah inay ku noolaan nabad meel kasta oo ay dalka ka joogaan," ayuu Abiy ku yiri qoraal usoo dhigay Twitter. Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii militariga ay shalay ku dhowaaqeen inay dagaal kula jiraan xisbiga TPLF ee hoggaamiya gobolka Tigray-ga kadib bilo ay xiisad u dhaxeysay gobolkaas iyo dowladda federaalka. Abiy ayaa u muuqda inuu hoos u dhigayo xiisadda, xilli ay sii kordhayaan baaqyada beesha caalamka ee ku aadan wada-hadallo dhex-mara labada dhinac. Waxa uu yiri "dowladda waxay muddo bilo ah si dulqaad leh isugu dayeysay inay si nabdoon u xalliso khilaafka kala dhaxeeya gobolka Tigray, waxaan isku daynay dhex-dhexaadin, dib u heshiisiin iyo wada-xaajood." "Dhammaan waa ay guul-darreysteen sababtoo ah isla weynida iyo madax adeegga TPLF. Tii ugu dambeysay waxay dhacday markii TPLF ay weerareen Taliska Waqooyi ee fadhiggiisu yahay Tigray," ayuu yiri. Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Arbacadii sheegay inuu inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan "weerar" xisbiga maamula gobolka Tigray ee TPLF ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka. TPLF waa ay beeniyeen inuu wax weerar ah dhacay, waxayna Abiy ku eedeeyeen inuu sheekadaas abuuray, si uu qiil ugu helo inuu ciidamada militariga ku daabulo gobolkaas. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip