Faah faahinol aga helaayo:- Qaraxii caawa Wasiir Duraan lagula eegtay Magaalada Muqdisho

0
Friday November 06, 2020 - 23:26:56 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahinol aga helaayo:- Qaraxii caawa Wasiir Duraan lagula eegtay Magaalada Muqdisho

    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Duraan Axmed Faarax ayaa caawa ka badbaaday qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa gaadiid uu la socday Wasiirka waxaa lagula eegtay agagaarka Madaxtooyadii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Duraan Axmed Faarax ayaa caawa ka badbaaday qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa gaadiid uu la socday Wasiirka waxaa lagula eegtay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan. Askar la socotay gaari Qooqan ahaa oo gaarigii Wasiirka saarnaa galbinayay ayuu dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Warbaahinta qaar u sheegay in laba ka mida ilaalada Wasiirka ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, isla-markaana aanu qaraxu gaarin gaari nooca aan rasaasta karin ah oo Wasiir Duraan uu la socday.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dad rayid ah oo wadada dhinaceeda maraayay ay sidoo kale ku dhaawacmeen qaraxaasi, inkastoo aanay jirin cid warkaasi xaqiijin karta.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoona ka sameeyay baaritaan amni xaqiijin ah, mana jirto cid ay qaraxaasi u soo qabteen.

Maamulka Degmada Hodan iyo Saraakiisha laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin qaraxa caawa ka dhacay Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay dadka reer Muqdisho ka nasteen jugta qaraxyada, amniguna uu ahaa mid ka soo reynaya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip