Joe Biden oo helay codadkii ugu badnaa ee uu helo musharrax Mareykan ah.

0
Thursday November 05, 2020 - 17:46:15 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joe Biden oo helay codadkii ugu badnaa ee uu helo musharrax Mareykan ah.

    Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Joe Biden ayaa jabiyay rikoorka musharaxii ugu codadka badnaa doorashooyinka Mareykanka 120-kii sano ee la soo dhaafay, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa 2008-dii ku guuleystay codadkii ugu badnaa ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Joe Biden ayaa jabiyay rikoorka musharaxii ugu codadka badnaa doorashooyinka Mareykanka 120-kii sano ee la soo dhaafay, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa 2008-dii ku guuleystay codadkii ugu badnaa ee uu helo madaxweyne Mareykanka balse haatan waxaa ka saramaray madaxweyne ku xigeenkiisii Joe Biden.

Barack Obama ayaa 2008-sii helay codad gaaraya 69,498,516, halka Joe Biden uu dhaafay tiradaa isaga oo helay 70,427,609 Oo cod.

Weli ma cadda cidda ku guuleysatay doorashada Madaxweynaha Mareykanka, balse waxaa muuqata in doorashada ay ka qeyb galeen tiradii ugu badneyd ee codbixiyeyaal ah 120-kii ee la soo dhaafay. Xisbiga Dimuqraadiga ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waday olole doorasho oo aad u sarreeya si ay meesha uga saaraan Madaxweynaha haatan talada haya ee Donald Trump.

Doorashada waxaa go’aamin doona codadka loo yiqaano codadka urursan "Electoral College” oo Musharaxa Madaxweynaha noqonayo laga doonayo inuu gaaro 270 EC, haatan Joe Biden ayaa hoggaaminaya tirinta codadka oo weli socota wax uuna heystaa 264 EC halka uu Trump ka heysto 214 EC kaliya, Joe Biden wax uu u baahan yahay kaliya 6 cod si uu ugu guuleysto doorashada Madaxtinimada Mareykanka.

Shir jaraa’id oo uu xalay qabtay Joe Biden ayuu ku sheegay inuu filayo inuu ku guuleysan doono doorashada Mareykanka.

"Halkan uma aan soo istaagin inaan ka caddeeyo inaan guuleystay, balse waxaan idiin sheegayaa in marka ay dhammaato tirinta codadka aan noqon doonno kuwa ku guuleystay doorashada” ayuu yiri Biden.

Donald Trump ayaa shalay oo Arbaco aheyd taageerayaashiisa u sheegay inuu ku Guuleystay doorashada Mareykanka wuxuuna Xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyay inay doonaan in ay doorashada ku shubtaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip