Farriin degdeg ah oo ku socota Ra'iisal Wasaare Rooble

0
Thursday November 05, 2020 - 17:39:52 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriin degdeg ah oo ku socota Ra'iisal Wasaare Rooble

    Madaxweynaha Banadir State C/llaahi Axmed Maxamuud ayaa farriin degdeg ah waxa uu u diray Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, isagoona ka dalbaday inuu wax ka qabto xaaladda dadka ku dhaqan gobolka Banaadir e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Banadir State C/llaahi Axmed Maxamuud ayaa farriin degdeg ah waxa uu u diray Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, isagoona ka dalbaday inuu wax ka qabto xaaladda dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ee xuquuqdooda la duudsiinayo.

C/llaahi Dheere ayaa sheegay in dadka Muqdisho aanay wax matalaad ku lahayn guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, tiiyoo aanay weli la hortaagan yahay maamul u gaar ah oo sameystaan.

"Ra’iisal Wasaare Rooble waxaan ka codsanayaa in xubno matala gobolka Banaadir matalaad ku yeeshaan guddiga doorashooyinka” ayuu yiri C/llaahi Axmed Maxamuud oo sheegay in dadka Muqdisho ay bixiyaan canshuurta ugu badan ee dhaqaalahooda lagu bixiyo hannaanka dowladnimada dalka. 

Mar uu ka hadlayay masiirka dowladnimada dalka in kaalinta ugu muhiimsan ay ku leeyihiin dadka Muqdisho, hadana aanay iyagu qeyb ka ahayn matalaad la mid ah tan gobolada kale ee dalka, wuxuuna ka dalbaday Ra’iisal Wasaare Rooble in xukuumadiisu dardar geliso sidii shacabka caasimada ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda matalaadda.

Hadalka Madaxweynaha Banadir State ayaa ku soo beegmaya xilli Baarlamaanka Federaalka aqbalay 13 kursi in shacabka Muqdisho ku yeeshaan aqalka Sare, taasi oo aan weli dhaqan gelin, wuxuuna C/llaahi Dheere ku baaqay in la dedejiyo xilligaan kala guurka ah sidii miiska loo saari lahaa xuquuqda ay leeyihiin shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip