Dhageyso:-Ayax ku habsaday degaano ka tirsan Degmada balcad

0
Thursday November 05, 2020 - 17:22:10 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Ayax ku habsaday degaano ka tirsan Degmada balcad

    Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayan in Ayax farabadan Maanta lagu arkay degaano hoostaga degmadaas, isla markaana uu ku habsaday Beero ku yaalla degaannadaas. Beeraleyda degmada Balcad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayan in Ayax farabadan Maanta lagu arkay degaano hoostaga degmadaas, isla markaana uu ku habsaday Beero ku yaalla degaannadaas. Beeraleyda degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegeen in Ayaxa oo si raxan raxan ah u socda uu Beeraha ku habsaday, isla markaana uu baabi'iyay dalagyo ku yaalla beeraha tuulooyin hoostaga Balcad. Yaasiin Cismaan Tuni oo kamid ah Beeraleyda degmada Balcad ayaa Risaala u sheegay in Ayaxa oo degmada Balcad uga yimid dhinaca Gobolada Dhexe oo dhibaato ku haayo beeraleyda, isla markaana uu baabi'iyay dhowr Hektar uu ku yaalla Tuulooyinka, Mareyreey, Mukadheere, Dhagxoow iyo tuulooyin kale. Waxaa uu sheegay in xilligaan aysan muuqan dadaalo looga hortagayo, waxaana uu ugu baaqay Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle & Maamulka degmada Balcad inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan, isla markaana waxka qabtaan Ayaxa. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ayaxa uu dhibaato ku haayay Beeraleyda ku nool degmooyinka, Mahadaay, Ceelbaraf, Aadan Yabaal iyo degmooyin & degaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip