Ra'iisul Wasaare Rooble oo kormeer sameeyay

0
Thursday November 05, 2020 - 17:12:47 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo kormeer sameeyay

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer shaqo ku tagey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Ujeedka kormeerka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid uu ugu guur galayay h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer shaqo ku tagey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Ujeedka kormeerka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid uu ugu guur galayay howlaha baaxadda leh ee ka socda garoonka, isagoo kormeeray qeybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin duulista, saadaasha hawada iyo Socdaalka. Isagoo xog wareystay bulshadii Soomaaliyeed ee xiligaas loo adeegayay. Ra'iisal Wasaaraha ayaa kormeerkiisu ahaa mid lagu dar-dar-galinayo habsami u socodka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Wuxuuna hawl-wadeennada garoonka kula dar-daarmay inay dareemaan mas'uuliyadda Qaran ee saaran, isagoo xusay in dowladdu ay ka shaqaynayso sidii loo horumarin lahaa Garoonka Aadan Cadde iyo Garoomada kale ee dalka. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay xil weyn iska saarayso sidii loo horumarin lahaa garoonka, maadaama Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadyaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip